Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA S/LAND AHNA GUDOOMIYAHA URUR-SIYAASADEEDKA WADDANI IYO WAFTI UU HOGAAMINAYO OO SAAKA KA SOO DEGAY GAROONKA DIYAARADAHA EE HEATHROW + DAAWO SAWIRADA.


(Hadhwanaagnews) Friday, September 28, 2012
London-(HWN)-GudoomiyahaBaarlamaanka S/Land ahna Gudoomiyaha Urur-siyaasadeedka Waddani Mudane A/raxmanMohamed A/llahi Ciro iyo wafti balaadhan oo uu horkacayo ayaa saaka ka soodegay

London-(HWN)-GudoomiyahaBaarlamaanka S/Land ahna Gudoomiyaha Urur-siyaasadeedka Waddani Mudane A/raxmanMohamed A/llahi Ciro iyo wafti balaadhan oo uu horkacayo ayaa saaka ka soodegay Garoonka diyaaradaha ee Heathrow Airport ee caasimada Waddanka Ingriiskaee London. Gudoomiyaha iyo waftigan ayaa markay halkaas ka soo degeen, waxa sidiiran ugu soo dhoweeyey dadweyne aad u tiro badan oo halkaas ku sugnaa, kuwaasoo isugu jiray shacabka S/land iyo taageerayaasha Ururka Waddani oo ka kalayimid dhamaanba gobolada iyo magaalooyinka waddankan Ingriiska.



width=640>
Gudoomiyaha oo ay safarkiisa ku weheliyeen xubno ka tirsan hogaanka UrurkaWaddani ayaa waxaa ka mid ahaa Mudane Mustafe A/Llahi oo ahaa GudoomiyihiiUrurkii Horyaal ee dhowaantan ku biiray Ururka Waddani, ambassador Ahmed HassanEgal oo hore u ahaa xoghayihii guud ee Udub, balse hada ka tirsan MadaxdaUrurka Waddani iyo weliba A/rahman Sheekh Xussein oo hore u ahaa wakiilkii Udubee UK balse u digo-rogtay Ururka Waddani iyo Mohamed Ali Abdi. Gudoomiyaha iyowaftigiisan ayaa markii ay soo degeen warbixinta ku saabsan safarkooda siiyeyTvga Horn cable iyo Universal Tv oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha iyagoo sidookale goobta uga mahadceliyey shacabweynaha S/land, taageerayaashooda iyowarbaahintaba sida qiimaha badan ee ay ugu soo dhoweeyeen Waddankan ay safarkakooban ku yimaadeen. Gudoomiyaha iyo weftigiisa ayaa ka dibna loo sii gelbiyeyHoteelkii loogu talogalay inay ku nastaan.

Afhayeenka Ururka Waddani UK
Qasim Aadan Saleebaan
Kasslmn@aol.com

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.