 |
|
Gabiley(HWN)-Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dalsan Ismaaciil Aadan
Cismaan ayaa la filayaa in uu Maalinta Bari ee Sabtida ah Munaasibad ugu qabto Murashaxiinta Dalsan uga Qeyb galaya Tartanka Doorashada
Golayaasha Deegaanka ee Degmada Gabiley.
Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Dalsan Ismaaciil Aadan Cusmaan oo ay
Reer Gabiley aad isku eedeen wakhtigii uu ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Xukuumadii Madexweyne Rayaale ayaa inta laga warqabo dabayaaqadii Ololihii Doorashada Madaxtooyada maalintii Xisbiga Kulmiye khatimayay Ololihiisa Galbeedka oo uu Wafti uu Hogaaminayo Madexweyne Siilaanyo soo raacey dadweynaha Reer Gabiley ka codsadey in ay ka saamaxaan hadimooyinkii uu ku hayn jirey markii uu ahaa Wasiirka Daakhiliga isagoo ay maanta u labaneyso tan iyo markii uu furtey Urur Siyaasadeedka Dalsan imaatinkiisa Magaalada Gabiley,
waxa dadweynuhu isweydiinyaan hadalka khudbada ah ee Maalinta berito la hor iman doono Bulshada Reer Gabiley maadaama in badan lala yaabanaa sababta uu xaska dabada u galiyay ee uu ugu soo hagaagi waayay maalmihii Ururada Siyaasadu wadeen Munaasibadaha iyo Xafladaha ay u qabanyeen Murashaxiintooda uga qeyb galeysa tartanka Golayaasha Deegaanka ee Degmadan Gabiley.
Waxyaabah ay Reer Gabiley Ismaaciil Aadan Cusmaan Gudoomiyaha Urur
Siyaasadeedka Dalsan ku Xasuustaan waxa kamid ah Murankii iyo
khilaafkii uu ka huriyay Sanadkii 2002dii dabayaaqadii bishii
Diisambar Liiskii Murashaxiinta Golaha Deegaanka Degmada Gabiley oo uu
la galey dagaal adag gaar ahaan xubnihii ka sharaxnaa Xisbigii Udub ee
waagaas ka ahaa raga ugu qoodhsan waxaana uga dambeysay hadana
dagaalkii uu daaha dambe ka hagayay eek u jiheysnaa xiligaa Tobankii
Xubnood ee Xisbiga Udub uga soo baxey Golaha Deegaanka Degmada Gabiley
Doorashadii Golayaasha Deegaanka iyadoo Murankaasina sababay in
khilaaf culus oo aan daawo loo helini ka oognaado Golaha Deegaanka
Gabiley islamarkaana, keeno Saameyn xoog leh oo Gabiley u horseeday
dib u dhac iyo cadaadis aan yareyn oo kaga yimid Xukuumadii Madexweyne
Rayaale, Waxaanu Ismaaciil Aadan Cusmaan markii uu ahaa Wasiirka
Arimaha Gudaha wareegto xayiraad ah kusoo rogay Xildhibaanada Golaha
Deegaanka Degmada Gabiley oo laga madnuucay kalfadhiyadii iyo doodihii
ku jiheysnaa Waxqabadyada Arimaha Bulshada Bulshada taas oo ay u
dheereyd mar Ismaaciil-yare isku dayay in uu kasaaro Golaha Deegaanka
Degmada Gabiley Sagaal Xildhibaan oo katirsan Xubnaha Golaha
islamarkaana amrey Maayarkii Gabiley ee xiligaas Maxamed Cabaas Jaamac in uu ka joojiyo Gunadoodii arintaas oo iyaduna sababtey Mushkilado badan, waxyaabaha kale ee ay inta badan Reer Gabiley ku Xasuustaan Ismaaciil Aadan Cusmaan waxa kamid ah dhul danguud ah oo ka boobay badhna iibiyay Sayladii Tog-Wajaale oo uu ka dhistey Guri weyn oo ilaa hada kuyaala kaas oo lagu tilmaamo booli qaran.
Sikastaba ha ahaatee inkastoo ay lama filaan aheyd Munaasibada xiligan
kusoo beegantey ee Ismaaciil Aadan Cusmaan Gudoomiyaha Urur
Siyaasadeedka Dalsan uu xiligan dabyaaqada ah u qabanayo Murashaxiinta
Gabiley ee ururkiisa uga sharaxan tartanka Doorashada D/hoose ayaa,
hadana dadweynuhu dhinac kale ka qiimayn doonaan hadalada uu maanta la hor yimaado Dadweynaha Reer Gabiley, iyadoo uu Gabileyna wakiil uga
ahaa Axmed Aadan Xaaji (Axmed-Gacan), oo kamid ah Murashaxiinta horena usoo ahaa Saraakiishii kazoo shaqesay D/hoose ee Gabiley iyo
Tog-Wajaale.
Wariye C/raxmaan Nuux (hiiraan)
Hadhwanaagnews Gabiley Office
Email:hiiraan2007@gmail.com