Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Murrashax Maxamed Cali Sh. Cumar: Oo Taageerayaal Baaxad Leh Ku Soo Bandhigay Garoonka Kubadda Cagta Ee 31 May DAAWO SAWIRADAN


(Hadhwanaagnews) Friday, September 28, 2012
(HWN)?Musharrax Maxamed Cali Sh.Cumar ayaa maanta ku soo bandhigay musharraxnimadiisa fagaaraha Garoonka 31-ka May (Dhallinta),taasi oo ay ka soo qayb galeen badi taageerayaasha looga baahan yahay musharraxu in uu bulshada ka kasbado.

Hargeysa,(HWN)?Musharrax Maxamed Cali Sh. Cumar ayaa maanta ku soo bandhigay musharraxnimadiisa fagaaraha Garoonka 31-ka May (Dhallinta), taasi oo ay ka soo qayb galeen badi taageerayaasha looga baahan yahay musharraxu in uu bulshada ka kasbado.

Xafladdan bandhigga ee ka qabsoontay garoonka 31-ka May ee degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ay ahayd mid uu musharraxu kaga dhawaaqayey musharraxnimadiisa, taasi oo ay ka soo qayb galeen badi qaybaha kala duwan ee bulshadu.


´Arial Narrow´,´sans-serif´; mso-bidi-font-weight: bold">
Xafladdan lagu soo bandhigay musharraxnimada Maxamed Cali Sh. Cumar oo ka sharaxan urur siyaasadeedka Rays ayaa kaga duwanaa bandhigii musharixiintii hore isaga oo ku soo bandhigay fagaare aad u balaadhan oo ay iskugu yimaadeen badi taageerayaasha kala duwan ee musharraxu.

Musharrax Maxamed Cali ayaa ahaa musharrixii u dambeeyey ee ka sharaxan ururka Rays, isla markaana soo bandhiga musharraxnimadiisa.

Madasha uu musharraxu ku soo bandhigayey musharxnimadiisa ayaa waxa ugu horreyn ka hadlay Guddoomiyaha Dhalinyarada degmada Ibraahim Koodbuur Cabdiraxiim Axmed Ibraahim, waxaanu sheegay in ay dhalinyar ahaan yahay xildhibaanka ay wataan uu yahay musharraxan, isla markaana u heelan yihiin sidii ay u soo saari lahaayeen. ?Xildhibaan Cali Sh. Cumar waa xildhibaanka aanu wadano, isla markaana u diyaar nahay in aanu soo saarno si uu ugu guulaysto tartanka doorashada golayaasha deegaanka?.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex ee Urur siyaasadeedka Rays Cabdirisaaq Maxamed Xasan (Kildhi) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay wakhti badan ku qaadatay sidii uu musharraxan gacanta ugu soo dhigi lahaa si uu iskaga soo sharaxo doorashada goleyaasha Deegaanka.

Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Rays Xasan Gaafaadhi oo halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in uu si weyn ugu rajo weyn yahay in musharraxan ku soo baxo doorashada golaha deegaanka, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ?Haddii 25 musharrax ee urur siyaasadeedka Rays ka sharaxan aan is odhan lahaa cid baa ka soo baxaysa waxa aan ku rajo weynaha in musharraxani si balaadhan ugu soo bixi doono doorashada goleyaasha deegaanka haddii ALLE ka dhigo?.

Si kastaba ha ahaatee musharraxan ayaa noqonaya musharixii  ugu horeeyey ee musharraxnimadiisa ku soo bandhiga goob fagaare ah.

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.