Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Anigoo ah axmed Jaambiir Suldaan oo Dhambaal tacsi ah u diraya Marxuum Gaariye


(Hadhwanaagnews) Wednesday, October 03, 2012
Anigoo ah Axmed Jaambiir Suldaan iyo qoyskaygu waxaanu tacsi u diraynaa qoyskii, carruurtii, xigtadii uu ka baxay alle ha u naxariistee MarxuumAbwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)

Inaalilaahi waa inaa ilayhi raajicuun.
Anigoo ah Axmed Jaambiir Suldaan iyo qoyskaygu waxaanu tacsi u diraynaa qoyskii, carruurtii, xigtadii uu ka baxay alle ha u naxariistee MarxuumAbwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) oo ahaaa Haldoor aad ugu culus Somaliland iyo asxaabtiisii gaarka ahayd.

Anigoo ah dadka sida aadka ah u tebi doona, ee ay Marxuum Gaariye soo wada kacaameen soona wada qaateen waxbarashadoodii Malcaamad quraanka, Iskuulka ilaa heer jaamacadeed, markii dambena ka wada hawl gali jiray Wasaaraddii Tacliinta ee Dawladii burburtay ee Soomaaliya, Halgankii SNM-na door Muuqda ka wada qaatay ilaa dib u dhiskii Somaliland ka dib, xorriyadii aan la soo noqonay, ilaa sannadkii noloshiisiisa ugu dambeeyey aanu wada


joogi jirnay Jaamacadaha Somaliland.
Alle ha u naxariistee Gaarriye wuxuu noloshiisii u hibeeyey inuu dalkiisa iyo dadkiisa uga tago dhaxal muuqda oon waligii tirmin, waxaa uu ku jiri doonaa qalbiyada jiilasha soo koraya oo uu koriinka maskaxdooda aad ugu heelanaa.
waxaan ugu ducaynayaa inuu Illaahay janadiisa fardowsa kaga abaal mariyo wanaagii iyo nabadayntii uu had iyo jeer u heelanaa intii uu ku noolaa dunidan waqtigeedu kooban yahay.

Axmed Jaambiir Suldaan.


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.