Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Abwaan Abdikadir mohamoud iyo gabaybaroor diiqa


(Hadhwanaagnews) Wednesday, October 03, 2012
gabaygan waxa layidhaahdaa ka ilaaliqaaraca waxa curiyay Abdiqadir mohamoud mohamed waxaanan

gabaygan waxa layidhaahdaa ka ilaaliqaaraca waxa curiyay Abdiqadir mohamoud mohamed waxaanan ugu baroor diiqayay geeridiinaxdinta lahayd ee kutimi abwaan maxamed xaashi dhamac gaariye ilaahay how naxariistee

Alaylahe qodbaa dhacay
Foolkaan qarxaa jira
Qaran baa goblamay shalay
...
Quruun baa ladaba rogay
Nukliyeer qaclaa yaal
Qunbulado wax midhiyaa
Qarxay maanta Ganayoow
Qiyaamihii ifkaa yimi
Qadarkii ilaahbaa
Qofna diidi karinoo
Gaariyaa qabriga galay
Lama qaadan karayoo
Taariikhda qoranbaa
qalasyada halyayga ah
Qiimayn markay tahay
Ninba qaabka uu yahay
Ninka qayrkii dhaafaa
Nanad loogu qorayaa
Qudhgooyadii kacaankiyo
Markuu qooqay odaygii
Fulay baa isqariyee
Gaariye intuu qumay
MA qoondeeyay siinlay
Markuu qabarku sii fiday
Deelay ma qaabilay
Bashiir qowlkii uu yidhi
Qowlal hadal ka soo baxay
Quraarad in aanu jabin karin
Gacmahaa wax qayiree
Ma u qumay dagaalkii
Ma qaashaartay gaariye
Qorigiyo gantaalaha
Degtu suunku ma qararay
Qaxarkiyo dhibaatada
Ma uhuray qudhiisii
Nafta qudhac ma ugu xidhay
Markii guusha qaaliya
Qaadirkeen inoo huray
Qalbigiisa dhoof iyo
ma qaadacay


shisheeyaha
Markii qudhun la soo fagay
Qoys waliba meel degay
Uf qabiilka anaa leh
Ma ku qayshay soowt dheer
Nin quful ku jabanyaa
Songurooq qaboobine
Qasnadii xikaayada
ma qormeeyay tabataxan
Ma qabsaday aqoontii
Qalinkii ma sii waday
Alayahow qiyaamaha
Qorax soo dhawaynta ah
Qabri iyo cidhiidhii
ka ilaali qaarica


Abdiqadir mohamoud mohamed
bukhaari1@hotmail.com

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.