Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Daawo Video: Wafti Isugu Jira Madax-dhaqmeed Iyo Aqoon-yahanno Ka Soo Jeeda Deegaamada Badhan Iyo Cirro Weyn Oo Galabta Si Diiran Loo Soo Dhaweeyey Burco


(Hadhwanaagnews) Wednesday, October 03, 2012
Wefti ballaadhan oo ka kooban Cuqaal, salaadiin, garaado,aqoonyahan, Haween, dhalinyaro iyo xubno kale oo muhiim ah oo ka mid ah Beelihii dhowaan shirweynuhu ugu soo xidhmay Deegaanka Carro weyn ee Gobolka Sanaag ayaa si diiran loogu dhoweyey Burco

Burco: Wefti isugu jira Madax dhaqameedka iyo aqoonyahanka Deegaamada Badhan, iyo Carro weyn  oo Galabta Sii diiran loogu soo dhoweyey Burco.

Wefti ballaadhan oo ka kooban Cuqaal, salaadiin, garaado,aqoonyahan, Haween, dhalinyaro iyo xubno kale oo muhiim ah oo ka mid ah Beelihii dhowaan shirweynuhu ugu soo xidhmay Deegaanka Carro weyn ee Gobolka Sanaag ayaa si diiran loogu dhoweyey Burco

Weftigan oo ahaa xubno loo soo xulay inay kulan wada hadal ah iyo martiqaad uu u  fidiyey madaxweynaha Somaliland la soo yeeshaan kuna sii

jeeday Hargaysa, kana soo kicitimay Degmada Badhan ayaa lagaga hortegay  Kantaroolka Bari ee Magaalada Burco

Waxa weftiga halkaasi ku soo dhoweeyey badhasabka gobolka togdheer cabdo axmed ayir, taliyaha qaybta booliska ee Gobolka togdheer, maxmed faarax iyo masuliyiin kale.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay badhasabka gobolka togdheer oo sheegay in weftigani ay ku soo dhoweynayaan gobolka togdheer isla markasna aanay marti ahayn ee ay yimaadeen gobolkoodi.

Afhayeenka weftigan Eng  C/salaam Maxmed Xasan ayaa sheegay in weftigani ka kooban yahay garaado, salaadiin, aqoonyahan , haween, masuliyiinta qaar ka mid ah  degmooyinka ay ka yimaadeen, waxaanu sheegay inay ahaayeen guddi lagu soo xulay shirkii ka socday deegaanka c arro weyn isagoo aad ugu mahadceliyey madaxweynaha Somaliland.

Ugaas ibrahin cali shibir, suldan xasan cali jibriil, iyo Chief caqil maxamud cabdala Dabshid ayaa dhammaantood sheegay inay u socdaan la kulanka madaxweynaha Somaliland, waxayna aad ugu mahadceliyeen maamulka gobolka togdheer iyo deegaamadii kale ee la nagu soo dhoweeyey bay yidhaahdeen maamuladoodi, waxay rajo wanaagsan ka muujiyeen in wadahadalada ay u socdaan ee ay la yeelan doonaan xukuumadda Somaliland ku soo dhamaan doonaan guul, waxayna sheegeen in ay yihiin beel kamid ah beelaha gobolka sanaag isla markaasna shir ay go?aano wax tar lihi ka soo bexeen ku soo gebo gabayeey deegaanka carro weyne.

Intaas kadib waxa weftiga loo soo gelbiyey dhinaca hotel city palaza oo loogu sameeyey martiqaad qado ah, waxaana intaas kadib loo sii gudbiyey hotel cigaal oo ay caawa ku hoyan doonaan iyagoo sida ay maamulka gobolku sheegeena berry subax u jarmaadi doona dhinaca magaalada hargaysa iyo berbera oo dhammaantood soo dhoweyntooda looga diyaargaroobayo.

 

 

 

 

 

 

Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher)

Hadhwanaagnews Burco / Office

Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.