arooskii qaahira iyo fikirkayga
marka hore waxan halkan ka salamayaa bahda shabakada hadhwanaagnews. oo mar walba si hagar la,aan ah noogu soo gudbisa
warar hufan iyo barmaamijyo xiiso badan, dushana u rita sidii ay dhagaystayaasha u qancin lahayeen. meel walba oo day dunida ka
jogan. waxan ku salamayaa salaanta islaamka salama calaykum wa raxmatulaahi wa barakaatu,bacda salaan waxan kalo salamaya
shacabwayna reer somaliland,
hadaba hadii aan hoos ugu dhaadhaco dulucda sheekada waxaan ka akhriyey shabakada hadhwanag news maqaal ka hadlayey lamaane somaali ah oo isku guursay wadanka masar., gaar ahaan magaalada qaahira, arooskaa oo noqday mid lagu kala dareeray,
iguna noqday fajac iyo amakaag waxa
aan sii akhriya maqaalkaba waxa lagu kala cadhoodayba waxay noqoty cunto, taas oo aan aad ugu
qoslay runtii markaan dhameyey maqaalka,
hadaba hadaan fikirkayga ka dhiibto arooskan. iyo cida qaladka lahaydba waxan odhan karaa waxa qaladka lahaa reerka uu wiilku ka soo jeedo sababtuna waxay tahay maynan arag dhaqanka somalida kuma jirto meel willka arooska ahi reerkoodu cunta hor cuno,
somaalidu waxay ku maahmaahdaa (NIN SOORI KAA QAADAY WAA NIN SEEFI KAA QAADAY.) anigoo kaashana maskaxdayda iyo caqligayga cafimadka qaba waxan eedaa saari lahaa reerka wiilku ka so jeedo madaama oo ay iyagu sameyeen fal aad u fool xun oo dhaqanka somalida meelna kaga jirin, waxan aaminsanahay in reerka gabadhu saxsanayeen marka ay gaxaysteen gabadhii.
by: abdi qaadir mahdi ismail(boqorka)
banglore( india)
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga