Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bahda Shabakada wararka ee HADHWANAAGNEWS marka xigta waxaan TACSI udirayaa qoyskii iyo qaraabadii, shacbi waynaha reer Somaliland iyo guud ahaan umada af soomaaliga kuhadasha oo dhan Geeriduu naxdinta lahayd ee kutimid ALLE HANAXARIISTEE Boqorkii Luuqada Soomaaliga Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) Waxaad ila eegtaan Maansadan aan ugubaroor diiqayo Abwaanka
Geesibuu ahaayoo
Garashada aqoontiye
Gacan deeqsinimo iyo
Galad eebe siiyo
Xaqa garan istaagoo
Marka ay gadeediyo
Dhaafto garashadisana
Gabayada ku ciilbaxa
Wuxuu galay abaal aan
Waligii gaboobayn
Halgankii gumaysiga
Gumaadkii kacaankiyo
Gawraca dadkaygii
Gafka looma ooyee
Guubaabo heestiyo
Geeraarka maansada
Intuu gooni ulabaxay
Kuwii godobta