Hargeysa (HWN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii uu taladda dalka la wareegay kulan fool ka fool ah oo ku aadan waxqabadkooda la yeeshay Wasiiradda Xukuumadda.
Kulankan oo sida uu qorshuhu yahay socon doona Muddo Saddex Maalmood ah, ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland, Madaxweyne ku xigeenka, wasiiro iyo waliba qaar ka mid ah la taliyeyaasha Madaxweynaha.
Mudada u u socon doono Kulamaddani ayaa waxa
warbixin lagaga dhagaysan doonaa Wasiiradda iyo waliba masuuliyiinta hay?adda muhiimka ahi, wixii ay qabteen sanadkii ugu dambeeyay.
Kulankan oo furmay saaka ayay wasiiradii ka hadlay waxa ay soo bandhigeen waxyaabihii u qabsoomay, kuwa baaqiga iyo waliba waxyaabaha u qorshaysan in ay qabtaan mudooyinka soo socda.
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Contact@hadhwanaagnews.com