Hargeysa (HWN) Jaamacadda Adams University, ayaa xarun cusub ka furatay maanta degmada Maxamuud Haybe, gaar ahaan xaafadda Star ee Caasimadda Hargeysa.
Munaasibadii loo sameeyey furitaanka 2aad ee Jaamacadda ADMA oo laga leeyahay dalka Itoobiya ka waxa ka soo qaybgalay Salaadiin, Aqoonyahanno, Maamulka jaamacaddaas iyo marti-sharaf kale.
LINE-HEIGHT: normal; MARGIN: 0in 0in 0pt" class=MsoNormal>
Guddoomiyaha Guddida Jaamacadda ADMAS Mr.Axmed Daahir Cadnaan oo ugu horreyn munaasibaddaas ka hadlay, ayaa faah-faahin ka bixiyey culuunta kala duwan ee lagu baran-doono xarunta cusub ee jaamacaddiisu ka furatay degmada Maxamuud Haybe.
"Waxa guul noo ah sidii ADMAS lagu yaqaanay ee iyadoo ah jaamacaddii ugu horreysay ajanebi ah ee dalkeena ka shaqaysa inay noqoto jaamacadda ugu ballaadhan ee ka jirta mandaqadda Geeska Afrika, waxaana sharaf gaar ah noo ah in aannu qaybtii labaad ee jaamacadda ka furno xaafaddan, taasoo u-jeeddada aannu ka leenahay tahay inay da?yarta ku dhaqan Degmada Maxamuud Haybe xaafadooda ka helaan waxbarashada iyo culuunta kala duwan ee jaamacaddu bixiso, waayo arday baddan oo xaafaddan deggen ayaa dhigta Jaamacadda ADMAS, sidaa awgeed, waxaannu garanay in aannu ardayda ka baajino labada bas ee ay u raaci jireen xarunta xaafadda Jigjiga-yar?
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi ?Waxa kale oon ugu bushaaraynayaa ardayda in qaybta aannu xaafaddan ka furnay uu dheer yahay faracyada kale ee jaamacaddu ku-leedahay magaalada Hargeysa oo aannu ku soo kordhinay waxbarasho loogu talogalay dadka waa-weyn iyo qaybta luqadaha?. Ayuu yidhi Cadnaan.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilqaadir, ayaa isaguna si weyn u soo dhoweeyey faraca cusub ee Jaamacadda Admas ku yeelatay degmada Maxamuud Haybe, taasoo uu xusay inay tahay mid da?yarta xaafaddaasi baahi weyn u qabeen, isagoo ballanqaaday inay gacan weyn siin doonaan jaamacaddaas. Waxa kale oo halkaasi ka hadalay Suldaan Aadan Faarax oo soo dhaweeyey qaybatan Cusub ee Admas bushada ku dhaqan Degmada maxmuud haybena kula dardaar may inay ka faaiidayistaan .
Maareeyaha Hayada Korantada Somaliland Weli Axmed xaawa oo isna halkaasi ka gadlay ayaa waxa uu sheegay inuu ka mid noqon doono Ardayda ka faa?iidaysan doonta qaybtan Cusub ee Jaamacada Admas University ee ay ka furtey Xaafada Maxamuud Haybe.
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland