Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Mashruuc Kaluumaysi Oo Khubaro Danish Ahi Ka Hirgalinayso Xeebta Somaliland.


(Hadhwanaagnews) Saturday, October 06, 2012
Waxa Dhawaan lagu yagleelay Magaalada Copenhagen oo ah dalka Denmark Urur cusub oo la yidhaahdo Somali Fair Fishing, Ururka oo ah mid loogu talagalay in lagu

Waxa Dhawaan lagu yagleelay Magaalada Copenhagen oo ah dalka Denmark Urur cusub oo la yidhaahdo Somali Fair Fishing, Ururka oo ah mid loogu talagalay in lagu Casiriyeeyo Kaluumaysiga Xeebaha Somaliland ayaa waxa ku bahoobay Khubaro Danish ah oo ku xeel-dheer arimha Kaluumaysiga.

Qoraal ka soo baxay Ururka ayaa lagu qeexay in Xeebaha Somaliland ay ka mid yihiin meelaha dunida laga helo Kaluunka ugu tayada wanaagsan uguna tirada badan, sidaa awgeed waxa muhiim noqotay in laga faa´idaysto khayraadka badda ee laga helo Xeebahaa Somaliland loogana faa´deeyo dadka ku dhaqn Geeska Afrika.
 
Ururka Somali Fishing waxa uu si dhakhso u bilaabayaa Mashruuc kaluumiyaysi oo uu ugu magac dara  The Hanstholm model1,  Muddo 2 sano oo

ka bilaabmaya badhtamaha 2013-ka ayaa waxa lagu hawlgalinayaa 15 Doonyood oo noqon doona kuwa lagu soo jilaabo Kaluunka iyo 75 qof oo la siin doon tababaro kaluumaysi oo casri ah, waxa la rajaynayaa in la soo qabto 400 oo ton oo kaluun ah. Xudunta Mashruuco waxa ay noqon doontaa Magaalada Berbera, dhamaan shaqaalaha kaluumaysigu iyo Mulkiilayaasha Doonyuhuba waxa noqon doonaa Muwaadiinta xeebaha Somaliland ku dhaqn.
 
Dhaqaalaha ku baxayaa Mashruuca waxa iska-kaashanaaya Ha´yadaha Mucaawinada bixIya kuwaas oo ka soo kala jeeda Denmark iyo Maraykan ilaa iyo iminka Miisaaniyada Ururku waxa ay cagacagaynaysaa USD 1.353.000. Gudoomiyaha Ururka oo layidhaahdo Knud Vilby iyo ku-xigeenkiisa Mahad farah Aden oo ah Somalilander ku sita Auditing-ka Shahaadada Phd ayaa ku niyadsan in Ururkani uu hirgalin doono Mashaariic dalka (Somaliland) iyo Dadkiisaba Faa´iido ka heli doonaan. Mr. Mahad Farah Aden waa senior Auditor ka shaqeeya (Danish National Bank) oo ku yaala copenhagen Denmark.


Mahad Farah Aden is an auditor in The Danish National Bank and a somali civil society activist focusing on Somali community andcapacity building in Denmark and Somaliland (an independent territory in Northern Somalia, aspiring to national recognition). Afterfinishing his MSc in Business Economics and Auditing, Mahad worked as Senior Associate at PriceWaterhouseCoopers and SeniorAssociate at Ankj?r-Jensen in Copenhagen. In 2011 he was recruited to The Danish National Bank and has presently the position ofsenior auditor. His civil society work focus on social activities, cultural events, and development projects ranging from Denmark toSomaliland. He is particularly interested in projects which organize Somali diasporic resources for development in Somaliland. Since 2010he has been member of the advisory board in The DRC Diaspora Fund  In 2010 he became board member of PeaceWare-Somaliland,a Somali-Danish NGO that works to establish The Somaliland Telemedical System for Psychiatry  Since 2011 he has been vice-chair ofSomali Fair Fishing , A Somali-Danish NGO that works the develop fishing industries in The Horn of Africa. Mahad has an extensiveDanish and international network in the Somali diaspora and among Somaliland policymakers.
 

 
Wixii Faahfaahina ee kale ka daalaco. www.fairfishing.org
 
By: Osman Abdillahi Sool.....Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com  


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.