Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Sanad Guuro Wacan Ururka Wadani


(Hadhwanaagnews) Saturday, October 06, 2012
Maanta oo ay Taariikhdu Tahay October/6/2012 waxay ku beegan tahay maalintii la Aasaasay Urur Siyaasdeedka WADDANI taas oo

Maanta oo ay Taariikhdu Tahay October/6/2012 waxay ku beegan tahay maalintii la Aasaasay Urur Siyaasdeedka WADDANI taas oo Noqonaysa Sannad Guuradii koobaad ee WADDANI.
Sida aynu la wada socono Urur Siyaasadeed ka WADDANI  waxa uu ahaa Urur Siyaasadeedkii loogu Hor diiwaangaliyey  Ururada Hada dalka ka jira waxaanu si xawli ah  isugu  baahiyey Xafiisyana ka furtay dhamaan  Gobolada  iyo Dagmooyinka oo dhan sidoo kale waxa uu waddamada Dibada ka furtay laamaha ugu tirada badan.


FONT-SIZE: 14pt" lang=FI>Urur Siyaasadeedka WADDANI waxa uu ku Guulleystay dhamaystirka dhamaan shuruudihii looga baahna  Urur Siyaasadeed si waafaqsan Xeerarka dalka u yaal.

Isla markaana waxa uu si xarago leh  uga soo Gudbay Marxaladihii koobaad iyo  labaad ee Ururnimo isagoo Galay kaalinta koobaad.

Urur Siyaasadeedka WADDANI  isagoo u taagan Tartanka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka soona Xulay Xubno Mug iyo Miisan leh oo Daacad u ah Qarankooda.

Mudadaas Sannadka ah Urur Siyaasadeedka WADDANI  waxaa la midoobay ururo kale oo awoodbadan lahaa oo ay ka mid ahaayeen DALJIR, BADBAADO, HORYAAL iyo waliba Ashkhaas Siyaasiyiin Madaxbanaan oo dhamaantood maanta ka wada Tirsan Isbahaysiga Urur Siyaasadeedka WADDANI .
 
 
Urur Siyaasadeedka WADDANI isaga oo ugu Hambalyeynaya Farxadda sannad Guurada koobaad  ee ka soo wareegtay Aasaaskiisa  wuxuu Hambalyo u dirayaa dhamaan Aasaasayaasha  Urur Siyaasadeedka WADDANI dhidibada u Taagay Gudo iyo Dibadaba Meelkasta oo ay joogaan sidoo kale waxaa hambalyo u dirayaa Taageerayaashiisa sida Hagar la?aanta ah isu garab taagay Ururka WADDANI.

Hambalyada iyo Mahadnaqa Xuska SannadGuurada Aasaaska urur Siyaasadeedka WADDANI ka dib waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan Murashaxiinta golaha Deegaanka iyo Taageerayaashoodaba inay u guntadaan una diyaar Garoobaan sidii ay Guullo la taaban karo uga soo hoyn lahaayeen Doorashada Fooda inagu soo haysa Isla markaasna ilaaliyaan Anshaxa Doorashada iyo Nabad Galyada Qaranka.
 
 
Wabilaahi Towfiiq
 
 
Ibraahin Mahdi Buubaa.......................
Afhayeenka Urur Siyaasadeedka WADDANI

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.