Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Maxay Galab Saddeen!!! W/Q Mukhtaar Cabdi Sheekh ´´Bulshaawi´´


(Hadhwanaagnews) Saturday, October 06, 2012
Waxa ay dadku ku war heleen rasaasta iyo madaa fiicdda faraha baddan ee sidda onkod ka u dhacaysa, qof waliba

Waxa ay dadku ku war heleen rasaasta iyo madaa fiicdda faraha baddan ee sidda onkod ka u dhacaysa, qof waliba waxa uu ka cararay wixii uu haystay oo meel uu naftan silcaysa kula baxsaddo ayuu raadsanayaa, aduunyo iyo maaliyadda guryaha taal cidna dan kama laha nafta siddii loo bad baaddin laha ayay dadku ku mashquulsan yihiin, tolow maxaa dhacay, qof ku jawabayaa ma jirro oo qof walba naftiisa iyo maatidda uu haysto ayaa mashquulisay oo uu la cararaaya, ha yeeshe, meel loo baxsan karro ayaan jirrin oo qof kii Illahay u qoray badbaaddo ayuun baa samo


baxaaya.

Hooyooyinka ruclo orodka ku jirra ma malaynaysid, caruurta ay dhabarka iyo laab taba ku siddan hadalkooda daa, qaar baa 8 iyo 9 caruur ah wata oo qaarna xabaarsan intii socod baradka ahaydna ku tidhi cagta wax ka daya, tolow maxay gallab sadden, cirka waxa yacaaya, yaa yucuun la soo kiraystay oo dadka rushaynaysa, Hooyooyin iyo maatidda geedaha iyo dum dumoooyinka miciin ka biddaaya ma malaynaysid, tolow geed galool ah halkaa ugu dhaw, bidhaanta geed ayaa la ishaaranayay, wakhtigan, hadaad kayn dhex gasho kuma badbaadaysid oo waa halka ugu darran ba ee ay calooshood u shaqaysta yaashani bidhaan sanayaan, qofka socod iyo talaabo qaada ee ay arkaan waxa ay la dhacayeen hubka loogu talo galay inay ku dagalamaan dawladdaha iyo ciidamadda hubka sidda.

Magaalooyiin ka ha sheegin, kharaabaddo ayay noqdeen, dad ma joogaan, raggii hantidda lahaa waxa ay ka talaabeen xuduudka oo waa geesiyo aan dhinacoodda la dhigi Karin, lakiin malaha markii iyaga loo taagi wayay ayaa dumarkii iyo maatiddii loo soo dhigtay, magaaladda dhexdeedda waxa fadhiya col nafta u darran oo la yidhi waa dawlad oo dalka ayay ka taliyaan, tolow kuwan la laynayaa manay dalki wakhtigaas u dhalan mise awalba jibaa qadatay, dhuunta dheer ee kaaraha oo kugu soo jeedda ayaad arkaysaa markad albaabka xaafadadda ka soo baxdid, qofka dariiqa u soo baxa waxa la waydinayaa maxaa guriga ka soo saaray, haddii si kale loo arkana xabadda way ku taala taas oo u muuqata in ay keeb ka dul sarran tahay, malaha amar ayay haysteen dadkan cidna haka tagine ah oo wadda dila.

Muuqa guud ee dhulkan marka aad aragtid waxa aad bidhaansanaysaa dhul ay ku dagalameen laba dawladood oo waawayn, xataa masaajidka ayaa waxa ku taal rasaas oo qabcad ka mid ah masaajid ka ayaa dun san, maxaad u malayn guri iyo meherad ganacsi oo qof kale leyahay, hantidda dadka dhulka ayay sidda roob mahigaan u da?ay oo dhibco waawayn dhigay u dareeraysaa, tolow qof dadka u naxa oo haddla ma la wayay ma 9 milyan ee la yidhaa soomaali baa ah qof aqoon leh oo yidhaa waar waxanni diin iyo dhaqan soomaaliyeed melna kama soo gasho maa laga dhex wayay, mise wakhtigaas jaamiciyiiin baan jirrin tolow, ala wan ilaabaye sowtii jammacaddii ugu qiimaha baddnayd  ee Lafoole jirtay maaha, markasan is waydiyay in dadkan cagta la mariyo malaha waa laysku raacsanaa, ileen qof uun baa damqan lahaa oo odhan lahaa waar waa dadkeenni ee raga dagalamaaya ha lala dagaalamo lakiin maatidda iyo caruurta diyaaraddaha lagu laynaaayo ha laga daayo, ileen naf aan wakhtigeeddi gaadhin ma baxddo.

Waxa aan socddaal ku maray anoo diyaaradda ka dhuumanaaya oo kolba dum dumo iyo geed laamo balaadhan raadsanaaya xuduudka iyo magaalooyin ka waawayn, ileen naxdin ma dhimatid, maydka wadhan xuduudka dheer ee u dhaxeeya Somaliland iyo Ethiopia ma malaynaysid, marka la arko Hooyo caruurtii naf la caarid ah oo la baxsanaysa si ay uga nabad hesho colka lagu diree loogu daw galay,ayaa ay ku dhufanayeen iyadda iyo caruurtaba madfac loogu talo galay cadow, tolow waxa aan is waydiyay ma cadaw bay ahayeen dadkii inta dawlad dhan ay noqden oo aduunku ictiraafsan yihiiin haddana calankoodii walaalahood u haneeyay, maantaba waa kaase yaa ka soo qaaddi calankii.

Ilma ku soo istaagtay indhahayga, markaasan gartay in qaar baddan oo qoraalkan akhrisanaaya ay yihiin kuwii uu Illahay u qoray inay ka badbaadan diyaaradda dhulka rushaynaysay, Alxamdulilaah, dhib ka soo gaadhay Hooyooyinka ayaan wax lagu qiyaasa jirrin, barri iyo galbeed ayay rasaasta cas is wadda gaadhay, qaar dumarka u darran oo aan jidh ka naxaa ku oolin ayaa helay dumar ay halyeeyo ka tageen oo markii ay ragii ku dhici wayeen dumarkii u soo jeedsadday, dhulka ayaa lala simay guri taagna, kii sees ku sii muuqdayna dhagaaxaan kala daadsan bay ka dhigeen.

Markaan ka dhamaaday socdaalkii baan haddana u duulay dhinacaas iyo Koonfur si aan uga war doono dadkii ku noola iyo ardayddii waxbarashadda u joogtay, ileen qof naxayaaba kuma jirro dadkan, tolow miyay ku heshiyeen in dadkan aduun ka laga tir tiro, dhalinyaradii jaamacaddaha dhamaysatay ayaa lagu yidhi qudhmis baad tihiin, tolow qudh mistuna maxay ahayd, shahaadaddii ay ku qalin jabiyeen baa loo diidday, kuwii waxbrashaddu u socotay ayaa dhibaato la kulmay oo iskaga soo yaacay, hadday magaalooyin kooddi u yaaci lahayeen ileen waa ardaye sow tan diyaaraddo loo diray maaha, naf bixi wayday uun iga dheh,  ardayddii markaan xaalkoodii ogaaday ayaan haddanna dadkii magaaladda dhex daganaa u baydhay, ileen jiidh ka damqaddaa kuma yaalo, xataa haddii dhaqankii soomaalinimo laga tagay miyaa diintiinna laga tagay, inta dad la kexeeyay ayaa haybtoodda darteed lagu uruuriyay, waa dhalinyarro,  xooga ku jirra iyo aqoon In la barro mooye may gayin in safar loogu dirro akhirro lakiin wakhtigaa ka dhamaadday, xeebta jaziira inta lala tagaybaa halkii loo noqonayay loo dirray, Illahay ha u naxariisto qof walba oo gardarro lagu dilay kuwii ku dilayna Illahay akhirro iyo aduun middna kuma dhaafo oo ha cidhib xumeeeyo, aamin.

1988 ilaa 1991-kii, waxa uu ahaa wakhti ay dhaceen dhibaatooyin aan qalin iyo qormo toona lagu soo koobi karrin, waxa dhacay wax aan aduun ka horre uga dhicin, xasuuq aan ciddna daba galin oo kuwii gaystay ay qaarkood manta aduun ka korkisa raaxo ugu nool yihiin, walina ay ku hamiyayaan inay dadkii dhibaato kale u gaystaan, tolow damiir iyo ccaqli maanay midna lahayn, oo hadday lahaan lahayeen ma Hooyo iyo Caruurbay diyaarad ku rushayn lahayeen, melna umu soo marrin caqliga fayoobi.

waxa aan dhawaanahan ku arkayay iyaddoo la soo faqaayo xabalihii Maka Dururo, aad baan uga naxay markaan arkay dad sidda xoolaha loo layay oo inta si bilaa ixtiraam iyo xishood bini´aadamino ah loogu dilay hadana si aan diinta iyo dhaqan ka wanaagsan wafaqsanayn loo xabaalay, Illahay naxarisiii janno haka waraabiyo dhamaantood.

hadaba, tolow dadkayga maxaa ilowsshiyahan ugu daw galay ma umul baa ilowshiyo dhawaa, shalay bay intay calan heleen ay jibo iyo soomaali aan la isku keeni karin ku hungobeen oo ay wadankii iyo calankiba meel aan loo baahnayn geyeen, maanta ayay u hanqal tagayaan iyadoo ragii dadka layay ee diyaaradaha iyo qoryaha la dhaca lahaa aduun ka ku dul raxaysanayaan, waliba ku tamayaan in ay wixii horre wax ka darran sameyaan, markaasaa waxa maankayga ku soo dhacay gabaygan uu tiriyay Maxamed Adan Muxumed.....

Dihashada xanuun ka le,
Umul baa u dagatee,
Dadkuu Moorgan dabi jiray,
Boqol-boqol u dili jiray,
Dal dalaada tiro-tiro, 

Duudka isku galin jiray,
Malkadaa Durdura iyo,
Lafahii dadkeenee, 
Loo duugay wadartee,
Iyagoo dareen badan,
Hadba daadku soo qodo,
Dadkaygoow ilawshahan,
Maxaa kuugu dawgalay?

 

Gabagabodii, waxa mahad leh Illahay oo Somaliland ka yeeelay nabad, dawladnimadda na siyay, dadkaygana ka bogsiyay dhibkii iyo xanuunkii ay gaadhsiyeen wax ma garadkii hubka helay, runtiina waxa aan aaminsan nahay, inay Somalia ka sinayd in dadka Somaliland la xasuuqo, sabab too ah hal qof oo aqoon yahan ama sheekh ama shariifkoodda ah oo wakhtigaas ka hadlay ma jirro oo yidhi waar maatidda iyo hooyooyinka xabada iyo diyaaradaha ha laga daayo ma jirro, waxa jira dad aqoon yahano ah oo PHD wata, kuwo Doctors ah oo Somalia u dhashay, markaa maanay run ahayn inay ka sinayeen xasuuqi dhacay oo ay ka midaysanayeen somalia(konfur) dadka ku nool oo dhami.

dadkayga yo dawladda Somaliland waxa aan ka codsan lahaa in aan laga hadhin ragii gaystay xasuuqan oo la daba galo, in la dhawro xabaaalaha loona sameeyo astaamo gaar ah oo lagu garto, waayo raga la xasuuqay caruurta ay ka tageen ayaa nool oo maanta aan arki karin wax Somalia la yidhaa, Illahay midnimadda iyo qaranimadda Somaliland ha dhawro, aamin aamin.

Mukhtaar Cabdi Sheekh ´´Bulshaawi´´

mukho4me@hotmail.com

 

please write here.

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.