Salaaaam warbaahinta qiimaha le:
Wadani guushiisa waxa lagu gartaa yam yam iyo qadaad weyn baa looga tag la?yey. Hadii hadal heyntu badato waxay ku tuseysaa in ururka Wadani yahay mid la arkaayo in uu soo baxayo. Hadaan sidaa looga baqayn cidiba soomay hadal qaadeen sida ururada qaar ka mida. Cid ku muransan in Wadani gobol walba 20% ka helayaa ma jirto. Waa uruka sidii UDUB ahaan jirtey u sameysan oo beel waliba
ku jirto oo gobal walba taageera yaal aad u tiro badan ku heysta. Waa urur reer Somalilnad isku raacsan yihiin
Hadaba ururka Ummada ma waxa uu 20% ka heli karaa gobol walba, waa maya oo welibana macquul maaha. Ma Awdal mise Saaxil mise maroodijeex ayuu ururka Ummada uu 20% ka heli karaa waa mustaxiil. Talow miyaanay xisaabtamin oo aanay is weydiin gobaladan aanay taageerayaal ku lahayn in aanay waxba ka heleyn?
Uruka Ucid isna waa sidoo kale oo haduu laba gobal 20% ka helo meel kale waxba ka heli maayaan. Ucid beesha Faizal Cali Waraabe vote ka heli maayaan oo waxay u arkaan in uu xisbiga iyo iibiyey oo magac xumo ku keentey beesha Faizal ka soo jeedo oo ay yidhaahda reerkii wuu iibsadey. Ururka Ummada iyo Ucid vote fara badan heli maayaan filana maayaan.
Ururka isna xawliga ku soconaya ee siyaasada fiicn lihi waa xaqsoor oo tirade loo baahan yahay keeni karaaya.
Hadaba faalada saxa ihi waxay sheegeysaa sadexdan xisbi inay soo baxayaan: Kulmiye, Wadani iyo Xaqsoor.
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga