Marka hore waxaan salaamayaa bahda warbaahinta, salaam ka dib waxaan doonayaa in aan soo bandhigo dhibaato ka taagan tuulada dhimbiriyaale ee hoosyimaada degmada sallaxley,
Marka laga hadlayo dawlad waxay masuul ka tahay dhamaan gobolada iyo deegaamada uu gaadho maamulka dawladaasi, haddaba dawlada Somaliland waxaad moodaa in aanay ka talin tuulayaasha yaryar ee Somaliland,
Intaa ka dib waxaan doonayaa in aan halkan ku soo bandhigo shuban ka dilaacay tuulada dhimbiriyaale ee hoos yimaada degmada sallaxley, shubankan
oo ay dad badani ku naf waayeen oo aan ilaa hadda dawlada iyo haayadaha midna aanay wax dawooyin ah ama gargaar caafimaad ah soo gaadhsiin, hadaba dawladu miyaanay danka lahayn dadka dhimanaaya mise tallow uma haystaanba in masuuliyadi ka saarantahay dadkaasi.
Waxaan ku soo gunaanadayaa in dadka u dhashay deegaanku ay iskaa wax u qabso kaga hawl galaan meesha oo ay dawooyin soo gaadhsiiyaan dadka dhimanaya,
Dawladana waxaan u soo jeedinayaa bal inay karaankeeda ah la soo gaadho xilna iska saarto dadkaasi
Allaa Mahad L eh
Mohamed Cismaan
mohamedawrfuul@gmail.com