Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo Xukuumadda Somaliland Ka Bari Yeeshay Magacaabida Guddiyadda Jaaliyaddaha Somaliland


(Hadhwanaagnews) Thursday, October 11, 2012
Sidaa darteed waxay wasaaradda Arimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga cadaynaysaa in Ururada iyo Jimciyadaha Jaaliyadaha aanay dawlada Masuuliyad ka saarnayn Magaacibida Masuuliyiinta hogaamisa.

Hargeysa (HWN) Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa dhinac iskaga leexisay soo xulida iyo u garnaqida muranadda dhexdooda ah ee jaaliyadda reer Somaliland.

Waxa ay  Wasaaradda arrimaha dibaddu shaaca ka qaaday in xukuumadda Somaliland aanay masuuliyadooda lahayn in ay soo xusho masuuliyiinta guddiyadda jaaliyadda reer Somaliland ee daafaha dunida ku kala sugan.

Sidaasna waxa lagu sheegay

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Md. Faysal Cali Sheekh.

War-saxaafadeedkaas oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka ee Hadhwanaagnews ayaa waxa uu u dhignaa sidan.

Waxaa na soo gaadhay is fahan-waa ku saabsan nidaamka ay jaaliyaduha Qurbo-jooga Somaliland ay ku doortaan cida Masuulka ka noqonaysa.

Sidaa darteed waxay wasaaradda Arimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga cadaynaysaa in Ururada iyo Jimciyadaha Jaaliyadaha aanay dawlada Masuuliyad ka saarnayn Magaacibida Masuuliyiinta hogaamisa.

Jaaliyaduhu iyagaaa u madax-banaan sida ay isu maamulayaan iyo cida ay hormoodka ka noqonaysa? ayuu ku yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Warsaxaafadeedkaas.

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Contact@hadhwanaagnews.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.