Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Hidde-raac: Hilin-sooyaalka iyo Hawraarta Hal-abuur Siciid Gahayr (Hargeysaawi)


(Hadhwanaagnews) Thursday, October 11, 2012
Gabaygan aqooni waa ilays ee ugu horreeya taxanaha hidde-raac:hilin-sooyaalka iyo hawraarta Siciid Maxamuud Gahayr,

Qormooyinkan aynu ugu magac-darnay Hidde-raac, waxa ay bar bilaw u yihiin qoraallo door ah oo faaqidaya suugaanta kale geddisan ee uu curiyay Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) oo ka mid hal-abuurrada iyo qoraayada dhallinyarada ah ee Somaliland, oo tiriryay maansooyin ka hadlaya dhinacyo kala geddisan oo nolosha ah.

Gabaygan aqooni waa ilays ee ugu horreeya taxanaha hidde-raac:hilin-sooyaalka iyo hawraarta Siciid Maxamuud Gahayr, waxa uu hal-abuurku kaga waramayaa aqoonta qiimaheeda iyo qaayaheeda badan , iyo sida ay lagama maarmaan u thay barashadeedu , waxa

kale oo uu ku tibaaxayaa jahliga iyo edadafkiisa, taas oo uu ka eegayo horumarka cilmigu, isaga oo cuskanaya aayado quraan ah iyo axaadiis shariif ah,

waxaanu yidhi.

  1. Afku wuxuu tibaaxaa xogtii, uurku kaydsado?e
  2. Intihoodka shaygaad rabtaad, eray ku qeexdaaye
  3. Uunyahaw abbartaydan daya, ararna soo dhaafa

  1. Jahli waa abaar baahsan iyo, omosyo jiilaale
  2. Mugdigay asxaab wada yihiin, ehel wadaagaane
  3. Ambabaxa dad wuu kala taga,a aabbo iyo wiile
  4. Eddadaa fariintay dirtiyo, deexo odayadeedba
  5. Haddii aan awooddaadu karin, dhuuxa ubucdooda
  6. Iin weeye xaajiyo sirtii, aad asturahaysay
  7. Ood ummdada gaadhsiisidoo, lana ogaadaaye
  8. Akhriskoo laguu fiiriyaa, waa indho la?aane

  1. Waxa horumar aasaasa oo, qaran adkaysiiya
  2. Asaaggood waxaa dhaafin kara, kana awaaraynba
  3. Aqoontiyo darkeedoon, kolnaba laga ilduufayne
  4. Anfaceedu waa tuulan yahay, aayaheeduba e
  5. Waa edadaf tii biinaysee, oodda kaa rogiye
  6. Ilays weeye kuu laacayiyo, nalal iftiin wayne
  7. Waa ilo xareed soo rogoo, oon ka ciidama e
  8. Waa iliilad maan caawisoon, kana istaagayne
  9. Waa ayro geeloo dhashoo, abid irmaanaane
  10. Iniin weeye biqilkeed gob yahay, ubaxna soo saarta
  11. Anshaxaaga waa tii bishee, toosin edebtaaye
  12. Irrid weeye laga galo samaa, awdda xumayaale
  13. Ammaaniyo wanaag yeelo buu, yahay odhaahdeede
  14. Eexdiyo waxay diidaysaa, iin qabiil dhalo?e

  1. Ehelkeedu waa hayb wanaag lagu asteeyaaye
  2. Arligooda waa qaar waxtara, oo abaal guda e
  3. Dhaqaaluhu markii uu itaal, iyo awood beelo
  4. Sicirbaraku goortuu unkamo, ee ibtilo yeedho
  5. Hurgumada waxaa aasi kara, ruux aqoon u lahe
  6. Aafaadka cudurkii hadduu, aagag ka dillaaco
  7. Allaheen gadaashii digtoor, yaan u orodnaaye
  8. Aqal dhisida aalado casriya, laydhka agabkiisa
  9. Injineerka doorkiisu waa, lama illaawaane
  10. Arrimaha shareecada haddii, loo ilbixinaayo
  11. Culimada afkooduu Raxmaan, nagu ilhaanshaaye
  12. Itaaliya hadduu joogo iyo, Ayrishkiyo Kuuba
  13. Iiraan haddii uu ka dago, dhulal Imaaraada
  14. Ingiriisi ruuxii bartaan, abid qaloonayne
  15. Alxamduda haddii aanad baran, alif illaa nuunka
  16. Inkastood aroortiyo habeen, oogtid faralkaaga
  17. Salaaddaan marnaba kaa ansixin, oon aqbala noqone

  1. Eebbada sideedii marbaad, aar ku gudataaye
  2. Ooy cadawga oofaha jartaa, kaa arjumaysaaye
  3. Aminta iyo goortuu Jabbaan, amar ku taagleeyay
  4. Aasiya kolkii uu ku fiday, aagaggaas bariga
  5. Beeral waaki Axad weeraree, eeday kibirkiiye
  6. Waxa adhaxda laba qaar ka dhigay, oofna ka wareemay
  7. Atamada yuraaniyam raggii, soo adeegsadaye
  8. Dabadeed abaabulid saxiyo, himilo aadoo dhan
  9. Uurkoodi goortuu tashaday, idil ahaantoodba
  10. Ee ay ilaaqdii lasheen, erayadii beena
  11. Ee ubax tacliimeed mar kale, olole loo qaaday
  12. Nagasaak dib baa loo alkumay, lana ahaysiiye
  13. Intay fooq alluubeena waad, la ashqaraartaaye
  14. Inaguna haddaan guul asala, uurka kala guuxi
  15. Illinkaas inaan wada marnaa, waa hal eeg marine
  16. Urursada tacliintoo xafida idil ahaantiiba

  1. Shar ninkii amaamudayay baa, eeda goor darane
  2. Ruuxii abqaalaan duruus, eedahayn sabane
  3. Inanka iyo gabadhii la rabo, inuu ilwaad yeesho
  4. Anfac iyo qofkii lala damcuun, aayatiin hiraya
  5. Waa ayga loo foofiyuun, arahda waabariye
  6. Ufada iyo fooruhu wuxuu, samada uugaamo
  7. Onkodkaas dayaamaa wuxuu, naga dul eedaamo
  8. Wakhtiguu ibaa soo furto, ee abshiri hoorto
  9. Doogyada udgoonbaa judhii, soo awaal baxa e
  10. Ardaygii wax lagu soo tabcoo, erayo loo sheego
  11. Eedaadna uu soo samroo, jiidho oogahana
  12. Bulshadiisa amin buu u noqon, udub dhexaadkiiye
  13. Madaxnimo kolbaa astayn, lana adeecaaye
  14. Agaasime marbaa loo suntaa, aaday heer kore e
  15. Ixtiraam maruunbuu helaa, sharafna ootaaye
  16. Urursada tacliitoo xafida idil ahaantiinba

  1. Islaamnimadu way dhiirisaa, agab tacliimeede
  2. Aayaadku siday qeexayaan, ruux aqoonyahana
  3. Iyo jaahilkaan la is ag dhigin kala ishaar dheere
  4. Illimada waxbarasheed qofkii, ku amaba qaadaaya
  5. Iridaha janneed buu Casiis, aad yar mariyaaye
  6. Shiinaha haddii lagu ogyahay, waaba arad dhaw we
  7. Nabigeeni ururshuu na yidhi, hana illaawina e
  8. Cilmi aayar lama koobsadoo, waa amuur culuse
  9. Eel iyo waxaa loo wajihi, goob argaagaxa e
  10. Anfariir in loo qaabilana, wuu istaahilaye
  11. Siduu yahay alaabada dukaan, iibka gali waaye
  12. Urursada tacliintoo xafida, idil ahaantiinba

  1. Adduunyadu mar bay kaa luntaa, amin la waayaaye
  2. Mawjado afuufaa bad-goosh, kaga asqaysiine
  3. Adhigaagu wuu madhan karaa, wada idloobaaye
  4. Aaqoontaase way kula jirtaa, abid dharaaraaye
  5. Kolkad ugub tay ee aynigaa, ibo bilaabmaayo
  6. Ama aad islaamiyo tihiin, oday da? liicaaya
  7. Ee aad ulaa raadsataan, socodna iimoobo
  8. Intaan iilka loo guurin wali, aad ifkana joogtid
  9. Ee aad ku afar qaadaysaan, oogadan dunida
  10. Urursada tacliintoo xafida idil haantiiba

Khadar Maxamed Faarax Rooble

khadarmfr@gmail.com, khadarmfr@hotmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.