Hargeysa (HWN) Xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiinayey afartan arday oo xirfado kala duwan ka dhamaystay Haayada HAVAYOCO ayaa maanta lagu qabtay xarunta haayadaasi .
Xafladan waxa soo qayb-galay Masuuliyiin ka socday Wasaarada Waxbarashada , Haayadaha Maal-galinaya Mashruucan, Haayada HAVAYOCO iyo marti sharaf kale .
Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Madaxa Mashruucan Ee Haayada HAVAYOCO Jimcaale Yuusuf Magan waxa uu ka waramay mashruucan oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid loogu talo galay in lagu dhiiri-galiyo dhanliyarada isla markaana