Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Hibashada xun halaga daayo Gudoomiyeyaasha A Gaboose iyo M biixi by Bashir Tarabi


(Hadhwanaagnews) Thursday, October 11, 2012
Afeef;Inta aad qormadan kooban akhriyeysid fadlan Qolada aad udhalatay ilayn maad dooran adiguye

Afeef;Inta aad qormadan kooban akhriyeysid fadlan Qolada aad udhalatay
ilayn maad dooran adiguye iyo sidoo kale tan Abtiyadaa (waa kuwa yare
dhowdhow) is yare ilowsii oo isku day inaad si dhexdhexaad ah u
akhridid.
Mudo dheer ayaynu maqleyney iimaha lagu tilmaamo labada hogaamiye ee
Xisbiga kulmiye Muuse Biixi iyo Ururka Umada Dr Axmed Gaboose iyadoo
laga dhigayo wax iyaga iyo dadka lagu kala fogeeyo.Muuse Biixi waxaa
lagala hadhi waayey Gabay aynu ku guuxi jirney oo Hadraawi tiriyey
xiligii halganka SNM oo Muuse inyar oo ahayd (anigoo wax dili kara
duco qaadan maayo) kasoo qaatay isagoo adeegsadey xili aad xaasaasi u
ahaa oo ay quus kaga dhawaadeen inay maruun hogaanka dalka
qabtaan.Halka Dr Gaboose lala daba galay eraygii hiilada u muuqday
markii C/raxmaan C/qaadir sida xun loogasoo saaray shirweynahii
Xisbiga Kulmiye isagoo Dhakhtarku/Siyaasigu


yidhi "khaladkii ugu
weynaa ee aan noloshayda galay wuxuu ahaa u ololaynta Xisbiga Kulmiye"
isagoo shacbiga wanaagsan ee reer Somaliland saamaxaad ka weydiistey
Haa Kulmiye iyo Maya Kulmiyediisii is burisey.Inkastoo aan aniguba
qabay in ninka arintaa ka jawaabayaa aanu isaga noqon si Saarka
jahligu aanu Furcas uga dhigan
Labada hogaamiyeba waa laba nin oo waxbadan bartay,Aan ku horeeyee Dr
Gaboose wuxuu ku takhasusay qaliinka maskaxda,takhasuskan oo aad uga
sareeya hadaad wax adag u haysatey Cilmiga Sawaariikhda (Rocket
Science),wuxuu kaloo gaar u bartay cilmiga dareen wadayaasha,cudurada
torobikaalka iyo qaarkale,wuxuu soo noqday Wasiir ku xigeen iyo
wasiiro sadex dawladood oo tii Soomaaliya ku jirto,intaas waxaa u
dheer isagoo siyaasada ka ag dhowaa ilaa xiligii uu jaamacada Gahayr
ka baxay,wuxuu ka mid ahaa ragii sharabaadadooda dhididka ka maroorin
jirey xiligii halganka SNM,goormaynu kala guurey?.
Gudoomiye Muuse Biixi wuxuu ka baxay Dugsiga H/dhexe Biyo dhacay iyo
dugsiga sare ee Camuud,wuxuu waxbarasho sare oo Ciidamada Cirka ah u
tegey wadanka Ruushka,wuxuu noqday Xoghayaha Taliyaha Guud ee
Ciidamada qalabka sidey ee Jamhuuriyadii Soomaaliya wuxuuna dhowaan
shahaado jaamacadeed ka qaatay Caasimada Hargeysa,wuxuu ka mid ahaa
saraakiishii sare iyo hogaamiyayaashii SNM ee Xaas,Caruur,sariir iyo
cuntoba uga saahidey ilaa ay dadkooda gunimada ka saaraan,geeridana ka
doortay inuu Muqdisho xaragoodo.
Qofkii yaqaanaa wuu ka garaabi karaa marka mikirifoon laguugu dhiibo
dad badan ee ay dhegaha xagaaga usoo wada dhaqaajiyaan culayska ay
leedahay,dadkana ilaah baa ugu tala galay oo si isku mida khaladka
isagama xakameyn karaan.Hadaad labadaa hogaamiye weydiin lahayd mid
walba hadalkaa mixnada ku noqday (siday ila tahay) Boqol Geela ayuu
kusoo ceshan lahaa haday suurtogal tahay.
Kolay aniga ahaan anoo xushmaynaya Mujaahid Xasan Ciise,Gaafaadhi iyo
Cirroba,labadaa hogaamiye waa kuwa aan ugu jeclahay dhinaca
aftahanimada,akhlaaqda,xushmada iyo Gole joogooda markay bulsho weynta
la hadlayaan,Aynu noqono dad ilbax ah oo waxyaabaha qaar saamixi kara
si aynu jaranjarada hal talaabo kor ugu fuulo danta guud ee Somaliland
oo meelo badan culaysyo ka saaran yihiin.
Bashir Tarabi,bogleh69@gmail.com

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.