Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


HAMBALYO IYO MAHADNAQ KU SOCTA TAAGEERAYAASHA IYO HAWLWADEENAD URURKA UMADDA EE U.K


(Hadhwanaagnews) Thursday, October 11, 2012
Dhamaan jaaliyada reer Soomaliland ee Qaaradan Europe ta Galbeed iyo Bahwaynta Uurka

Dhamaan jaaliyada reer Soomaliland ee Qaaradan Europe ta Galbeed iyo Bahwaynta Uurka Umadda ee Europe waxaan ku salaamayaa, salaanta islaamka ee

ASALAMU CALAYKUM.

Waxaan halkan uga mahad celinayaa dhamaan Jaaliyadda Somaliland ee Qaaradda Europe sidii qiimaha iyo qaayaha lahayd ee ay u soo dhaweeyeen weftigii Ururka Umadda ee uu hogaaminayay gudoomiyaha Ururka Umadda Dr. MAXAMED CABDI GABOOSE iyo guddomiye ku xigeenkiisa Dr. QAASIM SH. IBRAAHIM TUBEEC , Xidhibaan SALEEBAN CAWAD BUKHAARI iyo Eng. Saciid AFQLOOC oo ka mid ah xildhibaanada Ururka uga tartamaya golaha degaanka.

Waxaan mahadnaq aan la soo koobi karayn halkan uga dirayaa Bahwaynta Ururka Umadda oo aan u kala hadhin soo dhawayntaa

iyo siisabootiga weftigaas oo run ahaantii aanaan halkan ku soo koobi karayn oo aan odhan karo waa mid aan horay u dhicin oo weli hadal haynteeddu IngIriska mudo dheer laga sii sheekaysan doono.

Socdaalkaas weftiga oo ahaa mid taarikhi ah oo debadda iyo gudaha dalkaba laga dareemay oo warbaahintu aynu kala soconay waxaa lagu sifeeyaa 
ONE MILLION DAIMOND TRIPE .

Socdaalkaas oo guul wayn uu Ururka Umadda u soo hooyay oo maanta aan odhan karo taageerayaashii Ururka Umadda ee Europe oo 10 laabantay oo meelkasta oo Europe ta galbeed ah taageerayaashu soo gudbinayaan taageeradooda ha ugu darnaadeen Boqortooyada Ingiriska oo aad is odhan karto mala cidi kumay hadhin
waxaanu mar walba soo dhawaynaynaa taaageerayaasha cusub ee beryahan danbe ku soo qulqulayay Ururka Umadda, sida barnaamijka Ururka dhigayo oo ah in uu Ururka Umadda uu yahay Urur u dhex ah reer Soomaliland cid aliyaala iyo cidii danaynaysan uu u furanyahay.

Socdaalkaa taariikhiga ahaa waxa uu Ururka ku soo xidhay siyaasiyin ka tirsn aqalda kala duwan ee looga taliyo Carigan Ingriska oo weftigaasi kulamo kala duwan la yeesheen oo qaarkoodana saxaafadu joogtay, qaarana albaabadu u xidhnaayeen oo aanay saxaafadu ka qaybgelin laakin dhamaantood la isku afgartay laguna heshiiyay inay xidhiidh joogtaha la wada yeesho.
Waxaan odhan kara waa guushii ugu waynayd ee dhica siyaasadda Ururka uga soo hoyata tan iyo intii lagu dhawaaqay URURKA UMADDA, waxayna tahay mid wakhtigan loo baahnaa,

Aniga oo ku hadalay afka  xafiiska xidhiidhka Debadda ee URURKA UMADDA waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan Hawlwadeenadii ka hawl galay 
soo dhawaynti iyo siisabootigii,qaban qaabiyayaashii xafladihii kala duwanaa ee ka dhacay Caasimadda iyo Goboladaba,waxaan hambalyanayaa haweenkii iyakuna qaban qaabinayay casumadaha kala duwan oo aan odhan karo waxay ahaayen lafdhabarka hawlahaas oo dhan oo marna aan la ilaaw karayn kaalinta ay ka qaateen soo dhawaynta weftigaas.

Gebo gebadii iyo gunaanadkii

URURKA UMADDA waynu ogaayn kalinta uu kaga jiray tartanka Ururada ee dalka gudihiisa oo ah kaalinta kowaad, waxaa cadaatay inuu debadana kalinta kowaad kaga jiro, taas oo laga saadalin karo sidii warbaahinta ee labadii wiig ee ina oo dhaafay.
Hadaba markaynu eegno cududa URURKA UMADDA ee Debadda iyo Gudahaba, waxaa la odhan karaa Ururku wuxuu u xubsiibtay Xisbi Qaran .

ALLA MAHAD LEH

Xidhiidhiyaha Arimaha Debadda
ee Ururka Umadda

Faisal Farfidiye

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.