Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Wariye, Xasan Dhaaleey, oo Hanjabaado daraadeed isaga cararay Soomaaliya.


(Hadhwanaagnews) Thursday, October 11, 2012
Wariye xasan Cali Dhaaleey, oo ka mid ah suxufiyiinta mudada dheer ka howlgalayay dalka Soomaaliya,

Wariye xasan Cali Dhaaleey, oo ka mid ah  suxufiyiinta mudada dheer ka howlgalayay dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho,ayaa waxa uu si lama filaan ah uga cararay Soomaaliya, ka dib markii uu kala kulmay kooxaha u dagaalama Xarakada Al-shabaab hanjabaado iyo digniino ku aadan in ay dili doonaan,

Hanjabaadaha loo jeedinayay  suxufigaan  ayaa  waxa ay ahaayeen kuwa isi soo tarayay  tan iyo markii dhawaan qarax lagula beegsaday tiro suxufiyiin ah xili ay ku qaxweynayeen maqaayad ku taala guriga hooyooyinka, taasoo sababtay dhimashada 3 suxufi iyo dhaawaca   7 ? kale oo haataan qaarkood lagu dabiibayo isbitaalada Muqdisho.

Wariye Xasan Dhaaleey,oo

ah Suxufi ka soo shaqeeyay Idaacado iyo Teleefishino ku yaala muqdisho, ayaa  waxa uu  yahay shaqsi si aada loogu amaano hal abuurkiisa, inta badana  ku dadaala ama isku daya in uu wax ka badalo shaqada saxaafada  gaar ahaan barnaamijyada,

Suxufigaan ayaa intii aanuu ka bixin muqdisho, waxa uu si  kaftan ah ugu sheegi jiray suxifiinta qaar in uu aad uga walaacsan yahay joogitaanka Muqdisho, isla markaana kula talin jiray suxufiyiinta kale ee ay saaxiibada yihiin in ay socodka yareeyaan,taasoo markii danbe sababtay in mar qura lagu baraarugo in uu Muqdisho ka baxay.

Wariye Xasan cali Dhaaleey ayaa maalmo ka dib la maqlay inuu gaaray Dalka Swedan ,taasoo ay si aada u soo dhaweeyeen   Suxufiyiinta kale, maadaama amaanka Muqdisho uu yahay mid ay wax waliba ka dhici karaan isla markaana aaanuu jirin sharci adag oo gacanta ku soo dhigi kara gacan ku dhiigle kasta oo dil iyo dhawaacba u geysta Suxufi Soomaalieed.

Wariye Dhaaleey, waxa uu hada ku jiraa xero qaxooti isaga oo rajeynaya in Dowladda Swedan ay  dalkeeda ka siiso magangalyo, waxa uuse ku sheegay fariimo kooban oo uu soo diray in uu sii wadan doono Howshiisa Suxufinimo mar hadii uu gaaray goob amaana.

 
 C/qaadir Maxamed Faarax
 
 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.