xalaal la gashaaye,
taladaydan ajiiboo,
abbaara weeye adeec,
abshiroow hosaasaha maalin ,
aminaa hadh wareegaya mooda,
nagaadshaha amin joogee ,
adna hawriyaaqin dhalaalka,
afsamaan luuqdeeda,
arageedan ku jiitay,
axaduun weeye wanaagu,
aroorteedan isniinta,
ma abaaro daryeelku,
asaaskii taladaadii wacnaydna,
arinkeedu dibnaa iyo ,
may u dhaafin albaabka,
qalbigii ilahii abuuray,
weeleeyaa weedhaada ilaalin,
dugsi amaanoo lagalaaye,
abaar taladaydan abbaara,
amaan weeyee aruurso,
abshir weeye bushaaree,
aqbal fariintaydana mooso,
ehlu khayrka gashaanti,
arligeena muush weeye,
aan u baxo fiktaa iyo ,
aragu halkuu ka muuqdoo,
aan ku tuso wixii mudan ,
aayahaaga dhisaayoo,
aan kuu cugo markalanoo,
aan abaaro astaamaha,
oori wacan agteeda ah,
abshiroow amaanadan ,
abbaara weeye adkee,
qoys hadaad asaastaan,
ayadaha quraankiyo,
miday axaadiistu abaareen,
astaamaha cagaarka ah iyo,
amaan laguu ishaaree ,
awoow ilaa awoow hore,
agteenana eebe ka yeelay,
bilowgeda aroosku,
sahal weeye aslaaxoo,
astur weeye hagaagsan,
aqal khayr unkid weeye,
agab qaylo durbaan,
uma baahna amaano,
aqal hoteel layidhaahdo,
maalkiiba am kasiiyay,
laab qaawintan taashka,
agab gaalo ah weeye,
dhaqankiiyo diintii asiibee,
arladeena fanaaniin,
afar jaho laysaga yeedhiyo,
uma baahna danbaab,
aqal galkiin dabadeed,
abshir khayr wadataa,
amintaaba bilaabmi,
aroortii subaxiina,
nuur iftiin aslanbaa,
aragaaga hagoogi,
oori khayr leh asluubloo,
axsanoo daacadoo,
ubadkeeda agteeda,
edabtooda hagaajin,
adna kuula diiran wanaaga,
axsaan mid fashoo na hanuunsan,
salaatul layshan amaanan,
kuu horseeda wanaagaa,
agtaada eebe ka yeeliye,
agab u aruurso wanaaga,
ahlu khayrka gashaanti,
arligeena muush weeye,
abtirsiini waa hooy,
aqal laamo badanoo,
abid xaawiyo aadan ,
aduunku soo tirsanaayee,
adiguna hadii aad,
abtirsiintii islaamkiyo,
astaamihii ehlu khayrka,
aad isleedahay tiigso,
ajiib sunahii rasuulkiyo,
arinkay diintu ku tilmaantay,
arki dooontid wanaage,,,
By Abwaan Mawlid Ahmed Farah-Kuddar
maco2013@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga