Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


MADAXWAYNE MALAGUU SHEEGAY MAHADHADA DEGMADA GABILEY??? QALINKII: Cabdi kariim muxumed cadde(qaamuus)


(Hadhwanaagnews) Sunday, October 14, 2012
Madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), ayaa maalintii jimcihii

Madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), ayaa maalintii jimcihii ee taariikhdu ahayd 12/10/2012 salaadii jimcaha nagula tukaday masjid jaamaca magaalada Gabiley,oo uu ku yimid socdaal qarsoodi ah isagoon eray ka odhan magaaladana isla markiiba ka soo ambabaxay, Taasi oo ay siyaabo kala duwan u arkeen dadwaynaha ku dhaqan magaalada Gabiley. Si kastaba ha ahaatee madaxwayne waxaad doontaba u soco, oo xili ay kabaha iska saareen oo ay salad ku jiraan reer gabiley  u kaalay oo dhaqso uga ambabax intaanay kabaha xidhan si ayna reer gabiley kabo kuugu salaamin,ama saq dhexe u kaalayoo Gabiley waa magaaladaadii saacadaad doontana waad iman kartaa sifahaad doontana

waad u iman kartaa .hase yeeshee haday kugu adkaaatay inaad wax u sheegto bulsho waynta reer gabiley fursadna aad u siin wayday inay wax kuu sheegaan anagaa imika wax kaaga sheegayna xaalada Gobolkee waatane ka bogo warbixin aan isku dayey inaan kuu soo kobo:

1.    Madaxwayne ma laguu sheegay : in bulsho waynta reer Gabiley kuugu baaqayaan inaad wax ka qabato musqmaasuqa baahsan ee haatan ka socda dawlada hoose ee Gabiley walibana maamulka dawlada hoose ku sunteen inay hantida ugu badan ee qasnada ka maqan ay ku maqantahay madaxtooyada halkay doonto iyo habkay doontaba ha u martee.

 

2.    Madaxwayne ma laguu sheegay : in hanaankii maamul ee dawlada hoose Gabiley gabi ahaanba lumay, haatana maryso meeshii ugu xumayd abid.

 

 

3.    Madaxwayne ma laguu sheegay : in golihii deegaanka Gabiley iyo maayarkay doorteenba taladii lagala wareegay, iyadoon wali la soo dooran golihii badali lahaa,haatana talada Gabiley gacanta ugu jirto candho dhexe oo uu hogaamiyo xoghayaha fulinta dawlada hoose ee Gabiley iyo xulafo uu ku sheego inay caasimada Hargaysa ku sugan yihiin.

 

4.    Madaxwayne ma laguu sheegay : in maayarka iyo xoghayaha dawlada hoose ee Gabiley wakhtigan jooga ay xafiisyadoodii u rareen xarunta baanka Gabiley,oo ay ku soo kalahaan si ay ugu sugaan lacagta kastanka kalabaydh laga soo xeraynayo duhukiina ay ka rawaxaan oo hadh cad hantidii umada hadhuudh ahaan lagu kal miisto

 

 

5.    Madaxwayne ma laguu sheegay : in maayarka wakhtigan ee Gabiley noqday maayarkii ugu mirqaanka badnaa maayaradii Gabiley hore u soo maray.

 

6.    Madaxwayne ma laguu sheegay : in xoghayaha fulintu xukumo Gabiley,isgoo ku xuurtaystay maamulkii iyo maaliyadiiba wasiir duurbaa xayaraad nagu soo rogay oo waxa isaga uun doono ay ka socdaan dawlada hoose ee Gabiley maayarkiina xerada ka saaray oo aan xoolo baadiya la waydiin.

 

 

7.    Madaxwayne ma laguu sheegay : in xoghayaha fulinta ee dawlada hoose ee Gabiley wakhtigan uu noqday xoghayaha ugu baloodhada badan, qofkii reer gabiley ee gabooba ama indho beelana uu baloodhaysto beertiisa,,,,,,,,,,,,,,,,,,,, la soco qaybaha danbe

Cabdi kariim muxumed cadde(qaamuus)

                     Gabiley

              somaliland

qaamuuskaqarniga@hotmail.com

   

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.