Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


R-Hadhwanaag:Wasiirka Arimaha Dibada Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Kulan Uu La Qaatay Guddida Arimaha Dibada Ee Golaha Guurtida+Dhagayso/Akhriso


(Hadhwanaagnews) Sunday, October 14, 2012
Hargeysa(HWN):-wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa faah faahin ka bixiyey kulan uu la qaatay guddida arimaha dibada u qaabilsan golaha guurtida Somaliland.

Hargeysa(HWN):-wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa faah faahin ka bixiyey kulan uu la qaatay guddida arimaha dibada u qaabilsan golaha guurtida Somaliland.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlayey xarunta golaha guurtida Somaliland ayaa waxa uu sheegay  inay guddidan ka wada hadleen heerka ay marayso siyaasada airmaha dibada Somaliland, isaga oo xusay inuu war bixin ka siiyey siyaasada arimaha dibada Somaliland ee ku wajahan arimaha Somaliya.


Narrow?,?sans-serif?; FONT-SIZE: 14pt">Wasiirka arimaha dibada Somaliland waxa hadaladiisii ka mid ahaa ?kulankani waxa uu ka mid ahaa shirarka iyo wada tashiyada dhex mara xukuumada iyo golayaasha sharci dejinta, waxaanu si gaara guddida arimaha dibada ee golaha guurtida  war bixin uga siiyey guud ahaan siyaasada arimaha dibada ee dalka gaar ahaan siyaasada qaranka ee ku wajahan arimaha somaliya.

Waa laga war qabaa in beesha caalamku ku baaqday in Somaliland iyo Somaliya ay wada hadalo dhex maraan, waxaan markaa golaha guurtida guddida u qaabilsan arimaha dibada aanu war bixino iyo taloba iska wardaarsanay arimahaas iyo sida ay xukuumada u wajahayso.?

Wasiirka oo hadalkiisa ii wata ayaa intaas ku daray ?shirkana Waxa ka soo baxay wada shaqayn wanaagsan iyo is fahan wanaagsan iyada oo xukuumada iyo golaha guurtiduba ay isku mawqif ka yihiin siyaasada qaranka.

Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay arimaha mandaqada geeska Afrika oo aan war bixin ka siiyey iyo qorshaha siyaasadeed Somaliland ku wajahayso arimahaas,  ka socda oo aan war bixin ka siiyey, waxa kale oo aanu ka wada hadalnay  mustaqbalka siyaasada arimaha dibada ,arimaha qarankani uu damacsan yahay inuu dhawaan ku talaabsado.

Waxaan aad ugu faraxsanahay in mudanayaasha golaha guurtida oo waligood buddhig u ahaa talada dalka, inay arimahaas ka soo jeediyeen talooyin iyo tusaalooyin wax tar leh taas oo wanaajin doonta qorshayaasha xukuumada ee siyaasada arimaha dibada.?

 

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Goud423@gmail.com

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.