Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Haweenay u Dhimatay Daawo ay Damacsanayd inay Wejigeeda ku Qurxiso


(Hadhwanaagnews) Sunday, October 14, 2012
Mr. KO waxa uu sheegay in xeerarka lagu dari doono qaybo tallaabo ka qaadaya xarumaha daawooyinka lagu iibiyo hadday si khaldan u bixiyaan, isla markaana xakamaynaya isticmaalka daawooyinka halista.

Hong Kong (HWN) Dawladda Shiinaha ayaa caddaysay in haweenay ay u dhimatay, saddex kala cusbitaalka u yalaan, kadib markay isticmaaleen daawoo loogu talagalay in lagula dagaalamo cudurka Kansarka, balse iyagu u isticmaaleen walxaha la isku qurxiyo oo kale.

Masuuliyiinta cusbitaalka magaalada Hong Kong ayaa sheegay in gabadh 46 jir ah ay maalintii Arbacada ee toddobaadkan dhammaadkiisa nafteeda u sahayatay markii ay is marisay sun daawo ah si ay isu qurxiso.

Daawada haweenkan isticmaaleen oo lagu tijaabinaayey hab la damacsana in lagula dagaalamo cudurka Kansarka ayey

iyagu u isticmaaleen in wejiyadooda ku qurxiyaan.

Daawadan oo ahayd mid aad u khatar ah, ayaa goobo badan oo daawooyinka lagu iibiya shacabka u soo bandhigaan in ay qurxiso muuqaalka wejiga haweenka sida dhakhaatiirta Hong Kong ku andacoodeen.

Ko Wing-man oo ah Xoghayaha Caafimaadka Shiinaha ayaa ballanqaaday Khamiistii toddobaadkan in dib u eegis lagu samayn doono xeerarka lagu dhaqo goobaha daawooyinka lagu iibiyo iyo meelaha kale ee sida gaarka loo leeyahay ee bixiya daawooyinka.

Mr. KO waxa uu sheegay in xeerarka lagu dari doono qaybo tallaabo ka qaadaya xarumaha daawooyinka lagu iibiyo hadday si khaldan u bixiyaan, isla markaana xakamaynaya isticmaalka daawooyinka halista.

Saddexda haween ee iyagu cusbitaalka ku jira ee daawadan isticmaalay ayaa kala ah gabadh 64 jir ah oo xaaladeedu halis ku jirto, 56 jir iyaduna khatar ku jirta iyo 59 jir iyadu xaaladeeda caafimaad caadi tahay.

Dumarkan waxay ka mid yihiin 44 qof oo lagu sameeyey hab daawayneed loo isticmaalay sunran halista ah oo dalbaday in wejiyadooda la qurxiyo, waxaanay lacagta daawayntoodu ku baxday ugu yaraan 50,000 Hong Kong Dollar oo u dhiganta $6,450 dollar sida ay daabaceen warbaahinta maxaliga ah ee dalka Shiinuhu.

Ibrahim Khadar Siciid
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.