Burco: Guddoomiyaha Urursiyaasadeedka XAQSOOR iyo wefti Ballaadhan oo uu Hogaaminayo ayaa manta si ballaadhan loogu soo Dhoweeyey Magaalada Burco.
Boqolaal Gaadiid ah iyo Kumannaan Dadweyne ah oo ahaa Taageerayaashii Urursiyaasadeedka XAQSOOR ayaa manta si ballaadhan ugu soo dhoweeyey Weftigan uu hogaaminayey Guddomiyaha ururka XAQSOOR MUJ XASAN CIISE JAAMAC, iyadoo weftiga lagaga hortegey Deegaanka Qoyta oo ah Duleedka Magaalada Burco.
Kumannaan Dadweyne ah oo ka qaybqaadanayey Soo Dhoweynta weftiga Guddomiyaha XAQSOOR muj xasan ciise jaamac oo tubnaa hareeraha jidka dheer ee isku xidha,Qoyta, qudhac dheer illaa Burco ayaa Guddoomiyuhu