Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


DAAWO VIDEO: Weftigii ugu miisaanka cuslaa urursiyaasadeedka RAYS oo kormeer Ballaadhan ku maray Deegaamo badan oo Bariga ah


(Hadhwanaagnews) Sunday, October 14, 2012
Wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo guddoomiyaha urursiyaasadeedka RAYS Xasan Gaafaadhi oo isugu jira Murashaxiinta urursiyaasadeedka RAYS ee degmooyinka BURCO, CAYNABA, QORULUGUD, BALLIDHIIG iyo deegaamo kale

DAAWO VIDEO: Weftigii ugu miisaanka cuslaa urursiyaasadeedka RAYS oo kormeer Ballaadhan ku maray Deegaamo badan oo Bariga ah
 
Wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo guddoomiyaha urursiyaasadeedka RAYS Xasan Gaafaadhi oo isugu jira Murashaxiinta urursiyaasadeedka RAYS ee degmooyinka BURCO, CAYNABA, QORULUGUD, BALLIDHIIG  iyo deegaamo kale iyo xubno kale oo ka kala tirsan golayaasha ururka ayaa Safar dheer ku kala bixiyey deegaamada Ballidhiig, dhoqoshay, nasiiye, qalloocan, habariheshay, gaatama,  jaamacqabar, coodanle, oo ka tirsan Gobolada Togdheer, Saraar iyo Buuhoodle.
 

Masuliyiintan urursiyaasadeedka RAYS ee booqday deegaanadaasi ayaa khudbado   u jeedinayey  inta badan dadweynaha deegaamadaasi,Waxaana guddoomiyaha urursiyaasadeedka RAYS Xasan Maxamed Cali Gaafadhi oo

deegaamadasi la hadlayaa uu sheegay inaan safarkoodani mid olole iyo mid siyaasadeed Toona balse uu yahay mid ay deegaamo badan ku marayaan uguna kuur gelayaan xaaladda deegaanadani.

Guddoomiyuhu wuxu sheegay in in badan la is weydiinayey waxa guddoomiyuhu u iman waayey deegaamadani, balse ay qorshaha ugu jirtey inu mar uun imaado, isagoo dhinaca kale xusay in ururkiisu noqon doono ka ugu horeeya saddexda xisbi qaran ee soo bixi doona, isago weliba mid mid u sheegay deegaamada uu soo maray.

Murashaxiinta urur siyaasadeedka RAYS ee Gobolada Togdheer iyo Saraar oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inaanay noqon doonin markii ugu horeysay uguna danbaysay ee Booqdaan deegaanadani balse ay hiil iyo taageero ba uga baahan yihiin kuna soo noqon doonaan marar badan, iyagoo uga mahadceliyey soo dhoweynta ay deegaanadani kala kulmeen dadweyne deegaan kasta ku soodhoweeyey.

Odayaasha, iyo waxgaradka  deegaanadaasi oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa weftiga uga maahadceliyey imaansha ay ku yimaadeen deegaanadani. Waxay u ballan qaadeen masuliyiinta iyo murashaxiinta ururka RAYS inay codkooda sin doonaan.

Waa Markii ugu horeysa ee wefti miisaankan leh oo ka socda urursiyaasadeedka RAYS ay hal mar booqasho iyo kormeer ku maraan deegaamo intan leeeg oo kamid ah gobolada Togdheer, saraar iyo Buuhoodle.

Mustafe Osman Magaalo (Mustafe Teacher)

Hadhwanaagnews Burco / Office

Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.