ugu horayn waxa aan halkan ka salaamayaa dhamaan saxaafad xorta ah waxa kale oo aan salan qiimo badan u dirayaa shacabka reer somaliland
inta aanan bilaabin maqaalkaygan waxa aan umada reer somaliland xasuusinayaa Ayaadii quranka ahayd ee (بسم الله الرحمن الرحيم
قال تعالى : {يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِن جَاءكُمْ
style="FONT-FAMILY: ´Arial´,´sans-serif´">فَاسِقٌ بِنَبَأٍ فَتَبَيَّنُوا أَن تُصِيبُوا قَوْماً بِجَهَالَةٍ فَتُصْبِحُوا عَلَى مَا فَعَلْتُمْ نَادِمِينَ } (الحجرات :6
waxa maqaalkan igu kalifay qormooyin uu sheegay qooraga wayn ee boobe yusuf ducale in uu qori doono kuwaas oo u bixiyay {magacaabistaydii iyo maagistaydii}
Dabcan boobe waxa uu ilaa iminka qoray 2qormo oo aan odhan karo durba waxa aan xassuustay maahmaahdii ahayd (alow yaa harageeda nagaga celiya) waxa uu qormadiisa labad soo qatay wasiirka wasarada madaxtoyada xirsi cali x xasan oo ah macnaha uu usoo dig dig lahaa ama uu qarmadiisii kobad usoo araaranayay
waxa uu soo qatay oo ku cel celiyay kalmada ah <liqsiinaya> waxa ka muuqata munafaqad balaadhan oo u ku kacay boobe.
dabcan boobe waxa uu ahaa wasiir buuxa oo awood u leh in uu wax qabto wax sheego talo bixyo sida aynu ka war qabno madaxwaynaha jamhuriyada somaliland mudane axmed maxamed maxamud siilanyo ug yaran waxa ay is arki jiran isbuuci hal mara arinta uu sheegayo maanta oo xilkii laga qaday shalay ayay ahayd in uu dadka usoo bandhigo
Laga bilaabo maanta oo tarikhdu tahay 14/10/2012 boobe waxa uu galay liiskii ay galeen dadkii hore ee inta ay ku fashilmeen xilkii ay qaranka u hayeen hadana keenay mar marsiya
xil jecayl boobe inta uu ka qabo waakii shegtay title-ka ah afhayeenka xukuumada ee xilkii loo dhibay is yidhi korodhso maantana isagii ayaa ina leh waan diiday magacabista
dabcan boobe wuu hadal macanyahay waana qoraa sixir ku qaba qoraanimada laakin waxa aan leeyahay abwaan qoraa wasiir miyad ilowday warqadaadii malintii xil warejinta aad aad iyo aadka ugu mahad naqday xukumada anad tidhi xilka qaranku waa meerto mise. waraaqaha ayaa isakaga kaa khaldamay
madaxwayne siilaanyo maaha nin wax la liqsiiyo wax khaldana lo sheego wax la tuso waa halyay qarankan usoo maray wax kaste maantana yaqaan sida loo maamulo
ugu danbayn waxa aan leeyahay boobe marar badan ayaa aamusku ka khayr badanyahay hadalka waxa aad ahayd nin lagu ixtiraamo xilkiisa iyo qofnimadiisa laakin maanta ayaad waxa aad tahay soo bandhigtay!!
waan ogahay oo biyaha aaan hortooda arkaa doabdoodu waa huube boobow hadalku dabada yuu kaa wada iman!!!!!!!!!!!!!!!!!
by c/baasid aadam abdi
europeansystem@live.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga