Anaga oo ah taageerayaasha xisbiga UCID ee magacyadoodu hoos ku qoran yihiin kuna nool caasimadda dalka Uganda ee kampala, waxaanu salaamaynaa dhamaan wariyayaasha shabakadda caalamiga ee hadhawanaagnews, marka xigta waxaan si sharaf leh u salaamaynaa madaxda sarsare ee xisbiga UCID, iyo taageerayaasha xisbigaba meel kasta oo ay joogaan, marka xigta waxaanu halkan si cad ugu beeninaynaa war kutirikuteen ah oo dhawaan lagu baahiyay qaar ka mid ah shabakadda wararka qaarkood, oo nuxurkiisu ahaa nin sifo sharci daro ah ku sheeeganaya in uu yahay guddooomiyaha UCID, ee bariiga iyo badhtaamaha Afriikka, sidaa awgeed waxaan u sheegaynaa ninkaasi in aan loo soo dooran loona soo magacaabin masuuliyada uu beenta ah ee uu sheeganayo, mana haysto kalsoonida taageerayaasha xisbiga iyo madaxdiisaba, hana