Hargeysa(HWN):Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md.C/casiis Maxamed Samaale ayaa maanta xilalkii ka qaaday masuuliyiin ka tirsan waaxda xisaabaadka, Kastamadda Gobolada qaarkood iyo Cashuuraha Berriga ee wasaaradda maaliyadda, kuwaas oo kala ah Hargeysa iyo gobolka Togdheer.
Waxaana masuuliyiinta xilka laga qaaday ka hadhay xisaabiye ku-xigeenka guud, halka masuuliyiinta cusub loo magacaabay ay kala yihiin Chief Examiner, Checking-ka, Fawt Book, Xisaab xidhka, Khasnada guud, Kantaroolka iyo Xafiiska Kash-ka ee Gobolka Maroodi-jeex.
MARGIN: 0in 0in 10pt" class=MsoNormal>Sidaa waxa lagu sheegay Wareegto uu ku saxeexan-yahay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo maanta nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Hadahwanaagnews, Waxaana Wareegtadaas lagu sheegay in Kastamka Burco loo magacaabay maamule cusub, Xafiiska Cashuuraha Berriga ee gobolka Togdheer-na loo magacaabay maamule cusub, iyada oo ay hoos iman doonaan dhamaan-ba xafiisyadda Cashuuraha Berriga ee goboladaas.
Maaamulayaasha cusub ee uu xafiisyadaas u magacaabayna waxay kala yihiin sidan :-
Xafiiska Xisaabaadka Guud Chief Examiner Warsame Axmed C/laahi
Fawt Book(Hubinta): Cismaan Caabi Ducaale
Xisaab Xidhka: Khadra Xasan Axmed
Qasnada Guud: Idiris Xuseen Sareeye
Qaybta Kantaroolka: Yaasiin Ducaale Barre
Xafiiska Cash-ka Gobolka Maroodi jeex: ???-
Checking:??????
Kastamka Burco
Maamulaha Kastamka Burco: Saalax Cawil Naxar
Maamulaha Kastamka Beer: Mustafe Cali Cabdi
Maamulaha Kastamka Caynaba: Mustafe Maxamed Maxamud
Cashuuraha Berriga
Maamulaha Cashuuraha Berriga ee Gobolka Tog-dheer C/risaaq Jaamac Maxamud.
Isku-bedelkan uu Wasiirka maaliyadda Somaliland Md.Cabdicasiis Maxamed Samaale uu ku sameeyey Xafiiska xisaabaadka guud qaranka, Cashuuraha berriga Burco iyo Kastamka Magaalada Burco ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ee la isku bedelo, taasina waxay tahay dar-dargelinta iyo horumarinta uu Wasiirka maaliyada Somaliland ku hawlan yahay had iyo jeer.
Md. Samaale waxa uu hore isugu bedelay maamulayaashii Kastamadda Gobolada Berbera, Kalabaydh, Abaarso, Awdal, Saylac iyo xafiiska Cashuuraha Berriga ee Gobolka Maroodi-jeex.
Mustafe-Jannaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email: janaale94@gmail.com