Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Saxansaxadii Galabta Rasaasbaa Ka Danbaysay!!!


(Hadhwanaagnews) Sunday, October 14, 2012
Intii aanku guda jiray cadayshada waxa aan indhaha la raacraacaay bisad (mukulaal) yar taas oo sidayda oo kale galabnimadan la qanacsan deegaankaa qurxoon ee aan wadaagayno,

Maanta waa galabnima axada bishuna ay tahay 7/10/2012 waxa aan dhex joogay guriga aan ka daganahay magaalada muqdisho meel wax nuskilomiter ka yar u jirta badwaynta hindiya gaar ahaan xaafada buul xuubay,waxa hurdada iga kiciyay roob yar oo shuuxa kaas oo dhulka qooyay lkn aan wad daada ka tagin,goorsheegta ayaan tiigsaday waxaabay sheegaysaa 3:30 galabnimo waxaan u kacay si aan u tukado salaadii casar markii aan istaagay waxa inshahaygu ku dhaceen humaagayga oo ka muuqda muraayad yar oo guriga iigu dhex taala.



align=justify>Dib ayaan uugu laabtay si aan si sax iskugu eego muraayada markii aan hortagay muraayada waxa markiiba maskaxdayda kusoo dhacday in aan u baahanay in aan timaha iska soo yareeyo hore ayaan u sii socday si aan isku diyaariyo una baxo markaan salaada tukado,

Markii aan albaabka qolka soo istaagayba waxay indhahayga iyo sankaygaba soo gaadhay saxansaxo iyo deegaan aan marnaba laga jeesan karin horaan kuugu sheegee goortu waa galabnimo waxa isku dhacay cadceeda galabnimo iyo biyo yar oo  roobku dhigay daarada guriga waayo gurigu waa guri dul banaan oo dhibcaha roobku toos u soo galayaan daarada,waxaana indhaha iga cawaray birbirqankay samaynayeen biyaha iiyo cadceeda isku dhacay.

Horaan iga sii socday si aan ufadhiisto meel  u dhow  goobta biyuhu fadhiyeen si aan aad uga dhugto quruxda deegaanka isla markaana ugu cadaydo.

Intii aanku guda jiray cadayshada waxa aan indhaha la raacraacaay bisad  (mukulaal) yar taas oo sidayda oo kale galabnimadan la qanacsan deegaankaa qurxoon ee aan wadaagayno,

oo waxay fadhiisatay meel aan sidaaba uuga sii fogayn biyaha  oo engagan ,afkay kala qaadqaadaysaa ama hamaan sanaysa marmarna intay istaagtay jimicsanaysaa isna kala bixbixinaysaa oo waxaabad moodaa libaax aar ah.

Waxa aan xaaladaa ku sugnaa mudo 10 daqiiqaa inkastoon ku xisaabtamaayo waqtiga waayo waxan aanku sugnahay magaalo ay halakeeyeen dagaalo taas oo aanay ii suuragal ahayn inaan tago tima jaraha hadii aan sii raago ama ku sii sugnaado xaaladan deegaanka qurxoon.

Waxaan u maydhay dagdag isla markaana u tukaday waxaan sii maray xaafada aan ka tirsanahay si aan shaah uga sii cabo.

Waqtigaas oo dhan waxay saacadu isla tagtay 4:00 galabnimo.Waxaan usoo baxay halkii uu timajaruhu ku yaalay oo ah xaafad badaadir meel aan sidaa uga sii dheerayn wasaarada arimaha dibada ee somaliya,waxaan qabsaday wadadii dheerayd oon intii aan sii socdaya wadada isku sii aragnay dhalinyaro aan asxaab nahay taas oo aan is waydaarsanay salaan kash iyo laaba iswaraysi yar ka dibna waan siidhaafay waxa xagayga hore ee galbeed iga haysa cadceeda galabnimo

Waxaan sii socdaba markaan ku dhawahay isgoyska banaadir ee magaalad muqdisho aayaa markaliya waxa iga hor yimi wax alaale iyo wixii dad ku sugnaa isgoyska banaadir,markaan arkay dadka soo yaacaya markiiba maskaxdaydu waxay iswaydiisay talow dadku maxay ka yaacayaan,waxaana si dagdaga markiiba iigu soo dhacday inaanay dadkani wax aan dagaal ahayn ka yaacayn ,ilbidhiqsiyo gudahoodna waxaaba I dhaafay qofkii dadka ugu horeeyay oo waxaaban badhtanka u galay dadkii intaanay dadkii iga wada dhamaana waxaaba bilaaban tay dhawaqa rasaasta oo xad-dhaaf ah,gartay oo aqoonsaday inaan ku jiro meel furin ah isla markaana ay ku dagaalamayaan ciidan ka wada tirsan ciidan dowlada daciifkaa ee somaliya aniga laftaydu maan yaraysan arodkee jaanta wadhay si aan uga badbaado rasaasta la is waydaarsanayee qofkay ku dhacdaa la midka yahay dameerka baqtiyay.

Waxaan ku cararay oon galay quri dhisme ku socdo oo dhinacyo furan oo wadada qarka ku haya

Dadka dhamaantii waa ay wada naxsan yihiin oo anfariirsan yihiin waxaanay iswaydiinayaan waxa ay askartan axmaqiinta ahi ugu dhexdagaalamaayaan goob sidanoo kale u camiran halkaa waxaan ku sugnaa mudo 15 daqiiqaa  oon dhufays ku jiray intaa kabacdina waxa meesha soo kala dhex galay labada ciidan dad oo dhexdhexaadiyay isla markaana la joojiyay rasaastii.

Waxaana aniga ila yaab badnayd in hal miridh ka bacdi isgoyskii sidiisii kusoo noqday oo camirmay isla markaana dadka reer muqdisho uula qabsadeen dagaalada oo uu dagaalku noqdayba qayb noloshooda ka mid ah, aniga laftaydu dadka iskamaan dhex soocine waxaan u sii socday howshaan u socday oo halkii kasii watay.

Waxaan qoraalkayga kusoo gababaynayaa

Saxansaxadii galabta rasaasbaa ka danbaysay!!!!!!!!!!!!!!!!!

Abdi aziz ahmed jama

Saxafi madax banaan

Tell:00252-2-4251189

shide0606@hotmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.