Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Waa sharaf Xornnimaduye Shilin yaan la dhaafsan.


(Hadhwanaagnews) Sunday, October 14, 2012
Marka ay af miishaaradu fagaarayaasha u soo baxaan Dadka way kaga qiiraysiiyaan mid kastaana wuxu sheegaa Inu yahay halyey haduu ummadan majaraha u qabto wax badan kusoo kordhin doona barwaaqo iyo badhaadhena horseedi doono.

Xamse Qoor cadde

Waa wax iska Caadi ah marka nin siyaasi ah uu doonayo kursi,ama xil in uu adeegsado wax kasta oo suuragal ka dhigi kara hanashada hadafkaas.
Wax badan baynu aragnay Nin muraad leh oo ku maxaafsanaya Magac qabiil oo macne Daran.
Wax badan baynu aragnay Mid shilimaad sita si uu Uga danaysto dad wax magarato ah.
Waxaa mar walba innagu soo noq noqda siyaasiyiin Aan mabdda´ooda siyaasadood wax badan ku kala duwanayn Wuxuba si isku mid ah

waxa ay diiradda u saaraan dumarka iyo carruurta Waxay ku xigsiiyaan inay dhallinayarada shaqo u abuurayaan tan iyo maalinkii Ururrada siyaasadeed somaliland ka bilaameen waxa lay nagu soo cel celinayay Intaas Iyo in la mid ah.
Marka ay af miishaaradu fagaarayaasha u soo baxaan Dadka way kaga qiiraysiiyaan mid kastaana wuxu sheegaa Inu yahay halyey haduu ummadan majaraha u qabto wax badan kusoo kordhin doona barwaaqo iyo badhaadhena horseedi doono.
Hadana markuu tolkii ku noqdo wuxuu kula hadlaa luuqad ka duwan tii uu ummada iyo shacabka masaakiinta ah hadeer ugu khudbadaynayey isla markaasna Siyaasigaasi ummada wuxuu u kala qalaa qaybo. qayb waxa uu ku debberaa shilimaad qaybna wuxu u diraa ergo si ay jifidooda taageero uga keenaan Inta kalana wuxu kula meehanaabaa TOL LA´AY YAA REER HEBELAAY.
Guud ahaan nidaamka siyaasadeed ee dalkeenu horta waa caynkaas marka aynaan cidna u faanayn Af qalaadna waxba ku turjumayn.

Iyadoo caynkaas ah waynu joognaa meel ILAAHAY lagu mahadiyo laakiinse marnnaba kama maarano is dhegaysiga iyo isa sixitaanka ka imanaya fikirka dadweynaha .
Hadii aan u soo noqdo qormadan maanta waxa igu kallifay kacdoonka qabyaaladda ee sii laba jibaarmaya ku faanka reernimada,is necbaansha laynoo abaabulayo,ku tumashada xaqqii muwaaddinka.
Dulmiga iyo tacadiga loo gaysanayo bulshada aan codka lahayn iyo ilaha dhaqaale oo lakala maroorsanayo sida loo kala laan dheeraysan yahay intuba waa ceeb ina dul hoganaysa hadaynaan ka dhiidhiyina aynu dhawaan dareemi doonno dhibkeeda,dulmigaas aan soo taxay haddaan wax yar idinka dareensiiyo dhawaan waxaa dalkeena laga Ogolaaday in ururo siyaasadeed la furo la furo Reer kastaana wuxuu adduun hayey wuxuu isugu geeyay urur si ay mustaqbalka haday soo baxaan xisbi u noqdaan kadibna nin beeshooda ahi dalka madaxweyne uga noqdo.
 
Intaa ka dib ururada intii soo gudubtay waxa sharcigu xaq u siiyay inay u tartamaan golaha deegaanka,mar kale hadana waxaa ururadii iska soo sharaxay mudanayaal ka soo jeeda isla beeshii Ururka lahayd xataa hadii aanu iska soo sharraxin ururka beeshooda jifadiisa ayaa intay gacanta qabtaan Odhanaya Annagu reer QANSAX ahaan waxaan wadannaa HEBELKAN.
Waxaa niyad jab ah markii dhallintii loo Oggolaaday inay tartamaan in haddana loo laqimo QABYAALAD. waxaad marwalba arkaysaa nin dhallinyaro ah oo aan soddonba gaadhin oo leh waxaan ka socdaa beesha heblaayo markaad si u eegto macnaheedu wuxu noqonayaa waxaan u adeegayaa beeshaas markaas waxaa meesha ka baxaysa dantii guud ee degmada ka dhaxaysay.
Arrinkaas waxaa faah faahiyay Ilahay dhawrka RASHIID SH.CADILLAAHI GADHWEYNE maqaalkisii dhawaan u ku faafiyay mareegaha wararka oo ciwaan uu uga dhigay
MUWAADIN XOR AH OO AAN ISIR QABIIL KU XIDHNAYN .

Isagaa si waafi ah u faah faahiyay kala maanka taagan, dayrana ka muujiyay xaaladda aynu ku suganahay isla markaana rashiid qoraalka inta u danbaysa wuxuu ku gudbinayaa farriin.
farriintaasina waa baaq, wuxu la hadlayaa dadka inta samaha jecel inta garashada u saaxiibka ah inta uu inoo soo bandhigay iyo nuxurka hadalkiisu Intan ayuu isugu biyo shubanayaa.

(Ugu dambaynta, qoraalkan ujeeddada aan ka leeyahay waa baaq. Baaqiisu waa in lagu hakado oo si qoto leh loo eego fikradaha aan soo bandhigay. Ciddii igu raacsan waxaan ugu baaqayaa in aynu is-weydiino sidii aynu muwaaddinka dalka uga xorayn lahayn siyaasadda qabyaaladeed ee uu u af-duuban yahay; sidii uu u dareemi lahaa una arki lahaa is-ahaanshaha kelidiisa qofeed ee xorta ah; sidii uu u garan lahaa lahaansha dalkiisa iyo xilka ka saraan. Haddii aad igu raacsan tahay arrimahan aan soo bandhigay, waxaan kuugu baaqayaa hawl; haddii aad se si kale wax u aragto, waxa aan jeclahay in aad wax iga maqan igu kordhiso oo aynu kala faa?iidaysanno)Rashiid baa yidhi sidan. Aniguna baaqaas rashiid uunbaad daba socdaa.
Ugu horrayn aan isku dayo inaan taxo dhibaatadan aan kasoo raynta lahayn ii si baahaysa maalinba maalinta ka danbaysa waa siday aniga ila tahay.
Dhibaatooyinka Ina haysta.

1.Dadka intii indheer garadka ahayd ama wanaaga jeclayd oo siyaasadda fara qaaday.
2.Aqoon la´aan kalliftay in la irkado qabiil.
3.Qaadka oo diidan in su qurux badan loo fikiro.
4.Shaqo la´aanta baahsan oo iyana kallifaysa In wax walba la faaqido.
Inkasta oo aafooyinkaas in ahaystaa afartan ka badan yihiin hadana aqoontayda gaaban intaas ayaan ku keenay.
Rashiid wuxu yidhi aynu is-weydiinno maxaynu qaban karnaa?
Sidee baynu u heli karnaa muwddin xor ah oo kamadax bannaan QABYAALAD?
Sidee muwaaddinka looga saari karaa afduubka qabyaaladeed ee aanu u qalmin?
Sidee loo heli karaa bulsho fir fircoon oo la soconkara wadciga jira?
Sidee shaqo loo abuuri karaa?
Sidee dadka wanaag loogu wacyi gelin karaa?.
su´aalahaas iyo qaar kaloo badan ayaa iiga dhadhamay maqaalka Rashiid.

Maxaynu Qaban karnnaa.?

Aragtidayda qof ahaaaneed waxaan ku talilnahaa.

1.Dadkeena Og inay wax bedeli karaan ay ka muuqadaan masraxa siyaasada oo aanay masiirka ummadooda u nicin af-miishaar iyo qab qable.
2.In la sameeyo aqoon is weydaarsiiyo lagu darsayo ama toos loogu lafa gurayo dhibatada aynu ka cabanayno.
3.dhallinta inta wax baratay oo looga digo inay ku milmaan mawjadan xawliga ah ee ina qaaday.
4.In dadka shaqo loo baadi goobo si ay uga mashquulaan, waxa aan macnaha lahayne ee habsaamiyay.
Fikradaha caynkaas ahi way fudud yihiin in afka laga yidhaahdo,ama maqaal lagu soo daabaco laakiin fulintooda ayaa su aali ka dhalataa.
haddiise daacad lahga noqdo waan hubaa inay midho dhal noqon doonto.Yaa daacad ka noqonaya? waa innaga oo isku duuban.
Guud ahaan qormadaydan gole ka fuulka ah intaasaan ku koobi lahaa waxaanan ku talin lahaa qormooyinka noocan ah ee aayo ka taliska in il kalgacayl lagu eego,sifooyinka wanaagsanna laga raaco dadkeenna wax garadka ah ee had iyo goor bulshada u damqada.
Waxaan mar labaad ka digayaa inaad noqoto qof u seetaysan qabiil.

FG,NOQO QOF MASKAXDA XOR KA AH.

Qalinka,Xamse Qoor cadde.
Xamse_4@hotmail.com.
Angers,France.

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.