Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Tababare Jama Aden (Karaiin) iyo Socdaalkiisii Algeria iyo Oman


(Hadhwanaagnews) Sunday, October 14, 2012
Waxaa beryahan socdaal ku marayey wadanka Algeria Tababare Jama Aden, oo halkaa ku tagay martiqaad rasmiya oo uu ka helay Wasiirka Ciyaaraha Algeria Mudane Hachemi Djiar, Guddomiyaha Xidhiidhka

Waxaa beryahan socdaal ku marayey wadanka Algeria Tababare Jama Aden, oo halkaa ku tagay martiqaad rasmiya oo uu ka helay Wasiirka Ciyaaraha Algeria Mudane Hachemi Djiar, Guddomiyaha Xidhiidhka Olympics Algeria Mudane Rachid Hanifi, Madaxda Naadiya sportiga, Ciyaaryahanka Billadda Hantay Taoufik Mkahloufi iyo reerkiisa, iyo ciyaaryahanno aad u tira badan.


"urn:schemas-microsoft-com:office:office" /> 

Wuxuu tababaruhu shirar kala duwan oo ku saabsan horumarinta ciyaaraha fudud ee Algeria kala hadlay masuuliyiin kala duwan oo uu u horreeyo wasiirka sportigu. Waxaanay isla garteen inay halkaa ka sii xoojiyaan xidhiidh iyaga iyo tababare Jama. Waxaa xaflad weyn oo loo sameeyey Tababaraha lagu giddoonsiiyey hadyaddo qiimo weyn ku fadhiya, iyo shahaaddo lagu qiimeeynayo waxtarka, iyo billada Dahabka ee uu u soo hooyey Waddanka iyo dadka Algeria.

Waxaa Jama Aden uu imika socdaal kale ku joogaa magaalada Muscat, waddanka Oman. Socdaalkan ayaa ah mid laxidhiidha kii Algeria. Oman waa waddan sidoo kale uu magic weyn iyo ahmiyad ku leeyay tababarahu.  Magaalada Madaxda Muscat waa meesha KELIYA ee leh Xarun Tababar caalami ah oo laga aqoonsanyey adduunka. Wuxuuna Jama  gacan weyn ka qaatay abuurista xarunta kelia ee Middle East ka Accredited Training Center (ATC). Waxaa xaruntan aqoonsatay ururka ciyaaraha adduunka International Athelics Association (IAAF) . Waxaa isla xaruntan Sultan Qaboos Spots Complex  tababar ku qaatay waqti yar ka hor 2012 Olympics kii ciyaaryahan caalami ee Jama  oo ay kamid yihiin: Abubaker Kaki oo Sudan ka sodcay, Hamza Driouchi oo Qatar ka socday, Musaeb Abdulrahman Bella, Mohammed Hamada oo Egypt ka socday, Mohamed Al Azemi oo Kuweit ka socday, iyo Ninka billada Dahabkaa hantiyey Taoufik Makhloufi oo Algeria ka socday. Waxaa kaloo Jama Aden halkaa ku tababaray ciyaaryahanadiisa Qatar.

Waxaa Tababaruhu Uga gudbayaa Oman waddanka Masar (Egypt) oo uu sidoo kale ku leeyahay xarun tababareed iyo ciyaaryahnno ka socda wadankaa. Waxaa jama Aden u dhaafi doonaa aakhirka bishan Waddanka Scotchland, halkaas oo uu ku bixin doono daraasad ku saabsan soo saaridda ciyaaryahanno karti leh, iyo xirfadaha Adkaysiga ee loo yaqaan Endurance Athletics Seminar; http://www.ifacscotland.co.uk/event-information. Waxaa Seminarkaa Jama ku soo bandhigi doonaa xirfadaha kala duwan ee uu ku tababarro dhallintiisa.

Waxaa Socdaalkan ku weheliyey Tababaraha oo martiqaadka kamid ahaa Xaaskiisa Marwo Sucad Abdirahman Ali.

Issa Awaleh

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.