Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Shaaca ka Qaaday In Shirka Ururka Xisbiyada Dimuqraadiga Afrika Looga Sacaba Tumay Dimuqraadiyada Biyo Dhigtay Somaliland.


(Hadhwanaagnews) Thursday, October 18, 2012
Abii-Jaan(HWN):- gudoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muj:Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in shirka ivory Coast uga socda xisbiyada dimuqraadiga ah aad looga amaanay dalka Somaliland iyo guulaha uu ka gaadhay dimuqraadiyada.

Abii-Jaan(HWN):- gudoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muj:Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in shirka ivory Coast uga socda xisbiyada dimuqraadiga ah aad looga amaanay dalka Somaliland iyo guulaha uu ka gaadhay dimuqraadiyada.

Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ku guda jira safar uu ku jooga ivory Coast oo uu kaga qayb galayo shirka xisbiyada dimuqraadiga ahi  ku leeyihiin dalkaasi ayaa dhinaca kalana xusay in hadii xisbiga kulmiye buuxiyo shuruudo lagu xidhay uu si toosa uga mid noqon doono

ururkaasi.

Sidaasna waxa uu ku sheegay waraysi uu khadka telefanka ku siiyey wariye Najax Aadan Cunaaye Oo Ka tirsan shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ,isaga oo ugu horayn ka hadlaya shuruudaha lagu xidhay xisbiga Kulmiye ee u ogolaanaya  ka mid noqoshada ururka xisbiyada dimuqraadiga ah ee Afrika waxa uu yidhi ?Kulankii ururada dimuqraadiga ee Afrika ee xisbiga Kulmiye lagu soo marti qaaday kaas oo ka dhacay dalka ivory coast, si habsami ah ayuu u socdaa, imikan oo aan kula hadlayana waxaanu ka soo baxnay wajigii koowaad ee shirka, waxaananu u fadhinaa casho uu sameeyey madaxweynaha.

Shirkaasi oo wajigiisii labaad uu maalinta bari ah yahay waxa xisbiga Kulmiye loo balan qaaday in hadii uu soo buuxiyo shuruudaha ka mid noqoshada xisbiyadan ku shiraya dalka ivory coast, isla markaana uu ku guulaysto codadka xisbiyada uu si toosa uga mid noqon doono ururka xisbiyada dimuqraadiga.?

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi waxa uu tilmaamay in Somaliland shirka aad looga amaanay lana xusay inay ku talaabsatay horu mar dhinaca dimuqraadiyada ha, ka dib markii ay qabsatay doorashada madaxtooyada,baarlamaanka iyo golaha deegaanka iyo waliba mid kale oo ay hada u diyaar garoobayso.

Waxaaanu yidhi ?shirkaas waxa aad looga amaanay Somaliland,waxaana la tilmaamay in dalka Somaliland ku talaabsaday horu mar dhinaca dimuqraadiyada ah ka dib markii uu soo qabsaday doorashooyinka madaxtooyada,baarlamaanka,golaha deegaanka iyo ta doorashada golaha deegaanka ee hada laysku diyaarinayo inay ka qabsoonto Somaliland?ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muj:Muuse Biixi Cabdi

 

Najax Aadan Cunaaye.

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

NajaxCunaaye52@gmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.