Ceerigaabo(HWN)-Weftigii uu Hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Md.C/Casiis Maxamed Samaalle oo ay wehelinayeen Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Md.Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Agaasimaha Guud ee Maaliyadda iyo Taliyaha Ciidanka Xeebaha, ayaa maanta xadhiga ka jaray xarumo cusub oo loo dhisay waaxda cashuuraha berriga iyo xarunta wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ee gobolka Sanaag, kuwaasi oo maal-gelisay xukuumadda Somaliland.
Wasiirka Maaliyadda Md. C/Casiis Maxamed Samaalle, oo ka hadlay socdaalkooda Gobolka Sanaag ayaa tilmaamay in ujeedada
safarkoodu salka ku hayso sidii kor loogu qaadi lahaa dakhli ururinta cashuuraha oo uu xusay inay tahay laf-dhabarta dawladdu ku shaqaynayso.
Md. Samaale waxa uu ku dooday in labadan dhisme ee xafiiska cashuuraha berriga iyo xafiiska wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadu labaduba ay ka mid ahaayeen qorsheyaashii xukuumaddu ay balan-qaaday inay sanadkan sii galbanaya ee 2012-ka ka fuliyaan gobolka Sanaag.
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) oo ka hadlay xafladihii loo sameeyay xadhig ka jarida labadaas xarumood ayaa sheegay in ay socdaal ku soo mareen xeebaha gobolka oo ay booqdeen degmooyinka Xiis iyo Maydh oo uu xusay inay leeyihiin khayraad badan oo u baahan in laga faa?iidaysto.
Md. Geeljire waxa uu bulshada u soo jeediyay inay ku dedaalaan sidii ay cashuurta iskaga bixin lahaayeen si ay dawladu u awoodo inay daboosho baahiyaha aasaasiga ah iyo horumarinta gobolka Sanaag u baahan yahay.
Waxa munaasibadaasi ka hadlay Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha maaliyadda iyo Shaqada iyo arrimaha bulshadda, kuwaasi oo ka waramay baahidii loo qabay xarumahan maanta xadhiga laga jaray oo ay sheegeen inay qeyb ka noqon doonto qorshaha kor loogu qaadayo xafiisyada wasaaradaha ee gobolada dalka.
Weftigan waxa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Ceerigaabo ka dib markii ay labadii maalmood ee la soo dhaafay socdaal shaqo ku marayeen degmooyinka xcebta ee Xiis iyo Maydh iyo jiidaha hoos yimaada labadaasi degmo.
Mustafe-janaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email: janaale94@gmail.com