Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Agaasimaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Oo Dhagax Dhigay Xarun Cusub Oo Lagu Caafimaadin Doono Xoolaha Degmada Darasalaam, Qaar Kalena Maalinta Jimcaha Dhagax Dhigaya


(Hadhwanaagnews) Thursday, October 18, 2012
"Waxaanu doonaynaa inaanu balaadhino hawshii ay wasaaradu(Xanaanada) hore u taagnaan jirtey Sayladaha iyo Maxjarada oo waxaanu doonaynaa inay ka shaqeyso tuulooyinka.."Agaasime Dr. Cagaweyne.

Darasalaam(HWN):-Agaasimaha guud ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Maxamuud Axmed Maxamed (Cagaweyne)  ayaa shalay waxa  dhagax dhigay xarun cusub oo ka koobnaan doonta sadex Makhsin iyo labadoodii suuliyood oo dhinac walba u ah 100-mitir oo dhismaheeda laga hirgaliyey Magaalada Daarasalaan ee gobolka Maroodijeex

Dhismahan cusub oo loogu talogalay in lagu xanaaneeyo Xoolaha ayaa waxa laga kala hirgelin doona shan degmo oo ka tirsan Gobolka Maroodijeex.Waxaana maalgelinaysa hay?ada Islamic Relief.   



cellPadding=0 width=100 align=center>

Sidaa waxa uu ku sheegay Dr. Cagaweyne mar uu xalay Khadka telefoonka ugu waramayey Weriye Mustafe-Jannaale oo ka tirsan Bahda Shabakada Hadhwanaagnews Xafiiskeeda Magaalada Hargeysa. 

Agaasimaha guud ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Maxamuud Axmed Maxamed (Cagaweyne) oo ugu horeyn ka hadlaya waxa dhismahan cusub lagu qaban doono waxa uu yidhi"Waxaan maanta (Shalay) tagnay degmada Daarasalaam oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex, waxaanu tagnay Baliga-Cas Ilinta Dhexe iyo Ilinta Bari halkaas oo aanu dhagax dhignay xarun lagu daryeelayo Xoolaha oo ka kooban sadex Maqsin laba musqulood iyo Dayr oo dhinac walba ah 100-mitir. Waxaanu doonaynaa inaan shan degmo oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex u sameyno xarumihii xanaanada xoolaha, kuwaas oo kala ah Daarasalaam, Sabawanaag, Cadaadlay, Balligu-badle, iyo Sallaxlay shanta degmo ayaanu doonaynaa inaan ka sameyno shan-xarumood oo xoolaha lagu Caafimaadiyo oo talaalka iyo dawadaba la dhigo  Xoolaha oo ah nolosha umadda Somaliland ku tiirsan tahay".

Dr. Cagaweyne waxa uu sheegay inay doonayaan sidii ay u balaadhin lahaayeen hawshii shaqo ee ay Wasaaradu hore u qaban jirtey, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi "Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland shaqadeedu waxa weeyaan inay ka shaqeyso Gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka oo waxaanu doonaynaa inaanu balaadhino hawshii ay wasaaradu hore u taagnaan jirtey Sayladaha iyo Maxjarada oo waxaanu doonaynaa inay Wasaaradu ka shaqeyso tuulooyinka, degmooyinka iyo miyiyada intii ay xukuumadda cusubi qabatey sadexda Gobol ee Barriga Somaliland ee Sanaag, Sool iyo Burco waxaanu qalabeynay oo aanu dib u dhisnay xarumahoodii oo waxa yaala talaalkii, dawooyinkii, waxa kale oo aanu u sameynay magaalooyinka Dhoqashay,Duruqsi iyo Oodweyne xarumihii xanaanada  xoolaha"

"Waxaanu maalinta berri oo ah Jimce xarumahoodi soo bandhigi doona degmooyinka Bali-gubadle iyo Sallaxlay, waxa ku xigi doona Sabawanaag iyo Cadaadlay intaa waxa naga caawisay oo noo dhisaysa hay?ada la yidhaahdo Islamic Relief".Ayuu yidhi Dr. Cagoweyne

Mustafe-Jannaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email: janaale94@gmail.com

   

 

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.