Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Nin Dab Isku Hor Qabadsiiyay Qasriga Madaxtooyada Dalka Talyaaniga


(Hadhwanaagnews) Thursday, October 18, 2012
Roma, (HWN/Reuters):- Nin u dhashay dalka Talyaaniga oo dhaqaalo xumada waddankaas ka jirta ku shaqo waayay ayaa isku hor gubay xarunta qasriga madaxtooyada ee dalkaas,

Roma, (HWN/Reuters):- Nin u dhashay dalka Talyaaniga oo dhaqaalo xumada waddankaas ka jirta ku shaqo waayay ayaa isku hor gubay xarunta qasriga madaxtooyada ee dalkaas, kaas oo sida la sheegay shaqo dhimis lagu sameeyay ka dibna ka cabsaday in masaariifta qoyskiisa uu tahli kari waayo.

Ninkan cabsida ka qaaday shaqo la?aanta oo da?diisu tahay shan iyo konton jir, waxa uu dhalasho ahaan asalkiisi hore ka soo jeeday dalka Romaniya sida ciidamada booliska Talyaanigu warbaahinta u xaqiijiyeen, waxaanu khamiistii maanta isku hor gubay xarunta qasriga

madaxtooyada, sida la sheegay waxa uu ninkani ka hor intaanu is gubin aad u soo cabay Alcohol badan.

Booliska ayaa u gurmaday kuna guulaystay in ay bakhtiyaan, ka dibna waxa loola cararay cusbitaal ka ag dhawaa goobta uu dabka isku qabadsiiyay, sida booliska Talyaanigu sheegay waxa ninkani uu aad uga gubtay, lugaha iyo qaybaha hoose ee jidhkiisa, laakiin waxa lagu guulaystay in la badbaadiyo isaga oo aan dhiman.

Ninkan ayaa ahaa wade gaadhi hasa yeeshee waxa shaqada laga fadhiisiyay dhawaan, taas oo walbahaar ku abuurtay, waxaanu qof ay aad isugu dhow yihiin oo Talyaani ahi warbaahinta u sheegay in ninkaasi ka war wersanaa maalmihii u danbeeyay nolosha xaaskiisa iyo gabadh yar oo uu dhalay, taas oo loo malaynayo in ay sababta is gubistiisa.

Ninkani markii uu isku hor gubay qarsirag madaxtooyada dalkaas, oo ah mid la dhisay qarnigii lix iyo tobnaad isla markaana uu fadhiisto xafiisna ku leeyahay madaxweynaha, jamhuuriyada Shanaad ee Talyaniga George Napolitano, waxa dabkaas dhaawac ka soo gaadhay mid ka mid ah booliska Talyaaniga oo ka qayb qaadanayay bakhtiinta ninkaas.

Faysal Maxamed Xasan

Hadhwanaag/Office Hargeysa Somaliland

f.maxamed03@hotmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.