Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


CADHADII BOOBE .( qormadii koowaad) by Shakuur


(Hadhwanaagnews) Friday, October 19, 2012
?Duca qabe xilku waa meerto? Ina cigaal ayaa laga hayay, gabay soomaaliyeed baa lahaa ?rag haduu horfule kaa dhigtoo hibo laguu yeelo waa loo

?Duca qabe xilku waa meerto? Ina cigaal ayaa laga hayay, gabay soomaaliyeed baa lahaa ?rag haduu horfule kaa dhigtoo hibo laguu yeelo waa loo hagaajaa anfaca hadasho waa ceebe?.

Xil magacaabis madaxweyne waxay ku timaada rabitanka madaxweynuhu uu u qabo masuulka uu damacsanyahay inuu xil qaran u dhiibo taas oo uu u eego dhinacyo badan oo ka turjumaysa xirfada, xilkasnimada, daacadnimada, hawlkarnimada, iyo haybada uu leeyahay masuulka la doorbiday.



face=Calibri>Xil ka qaadis madaxweyne waxay ku timaada hanasho la,aan xileed, ismaandhaaf shakhsiyeed, amarqaadasho la,aan ,iyo mid gaar haaneed oo aanay cidi ogayn .

Labadaas xaaladood oo jira ayaa hadana waxa la gudboon madaxda qaranka ee xilalka dawlada ka haya iyo kuwa ka soo qabtayba in ay ka fiirsadaan waxa ay ku hadlaan marka ay xilka ka tagaan .

Waxa jirta dhaliilooyin badan oo ay dawladu leedahay loona baahanyahay in la saxo, wax laga qabto, loona sheego sida ku haboon,  ee qaranku ku badbaadi karo, waayo maahmaah soomaaliyeed ayaa tidhaahda ?waxad qarsataaba way ku qarsadaan?

Lakin waxa sharaf daro iyo meelkadhac weyn qarankan ku ah in nidaamkeena dawladnimo ee aasaasiga ah lagu qoro meel fagaare ah iyada oo loo bedalayo dacaayad iyo xumaan hor leh taas oo faa?ido u noqonaysa cid kasta oo Somaliland nacayb ku jirto

Waxan taas uga jeedaa waxa jirtay beryahan maqaal uu qoray qoraaga caanka ah ee boobe yuusuf ducaale oo ahaa magacaabistaydii iyo maagistaydii ,maqaalkani oo ka turjamaya arin shakhsiyeed oo lagu cambaaranayo hay,ad qaran (MADAXTOOYADA QARANKA ) taas oo hadii ay jirtana ay ahayd sida milagaha iyo sharafta muwaadinimo ay ku jirto in la asturo .

Boobe oo ah siyaasi weyn wax badana Somaliland u soo qabtay laguna xanto hal adayg ,murti ,raganimo ,muwadinimo, ahaana madaxdii  ?ACADEMY OF PEACE AND DEVOLOPMENT? intiina badanina aad ka wada dharagsantihiin waxyaabihii uu ka qabtay nabadaynta iyo horumarka dalka islamarkaana ku suntanaa horumarka Somaliland ayaa si lama filaan ah ???  la soco qormada labaaad ????????.

 

 

Shakuur_p@live.com mahdicali1@hotmail.com 4110303 4426251

 

 

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.