Ilaahay ha u naxariistee dagaalkaa Burco-Duurray waxa ku shahiiday Maxamed Xaashi LIXLE, waxa kaloo ku shahiiday tiro badan oo ciidankii SNM ka tirsanaa iyo tiro kale oo aagga Awaare lagu laayey oo ahaa shacbigii deggenaa aaggaas. Dhacdo kasta oo adduunka soo marta waxbaa laga qoraa. Qof kastaana marka uu doonayo in uu arrinkaas wax ka ogaado ayuu ku noqdaa buugaagtaas. Buuggu ma dhinto.
Waxa aynu caadaysannay, in lagu celceliyo SNM oo aan siday ahayd na xataa loo sheegin, taasoo dadka qaarna denbiilayaal ka dhigaysa. Wadaad baa laga sheegay haddii Bihi Bihi lagu celceliyo waxa ay noqotaa BUHU BUHU BUHU. Waar aan Bihi si fiican u nidhaahno oo aan naxli ku jirin. Aan qorno taariikhdaas, oo yaa qoraya? Adiga, aniga innaga ayaa qorayna. Axmed Siilaanyo, Cabdiraxmaan AwCali Faarax, Axmed Mire, Ibraahin Dhegaweyne, Muuse Biixi, Maxamed Kaahin ayaa laga rabaa in ay wakhti geliyaan sidii ay taariikhdaas u qori lahaayeen. Prof Cabdisalaan, waxba qormo yar oo kooban lagaagama fadhiyo oo aad Internetka soo dhigto ee buug ama buugaag ayaa lagaa sugayaa. Hadraawi, maanta wakhti aad waayaragnimadaada u weelayso dadka ayaa la joogaa ee fadhigga ka kac. Rashiid Gadhweyne, waa lagaa sugayaa buuggii ama buugaagtii aad dhaxal ugu reebi lahayd dadka.
Dadkani uma baahna Bihi Bihi Bihi in loogu celceliyo ee waxay rabaan wax ay diiwaan ka dhigtaan. Waxa ay rabaan in ay fahmaan sidii wax u dhaceen. Tv laga hadlo ama waraysi yar oo meelahaa la isla taagaa macno badan samayn maayo. Xil baa wada saaran intaa aan tilmaamay iyo qaar kaloo badan. Xasan Ciise Jaamac, waa laf-dhabar taariikhda iyo Sooyaalkii SNM---in badanna waad nasatay ma buug mise laba ayaad dadka u haysaa? Waxa habboon in aan hadal uun la hayne qalinka la qaato. Haddii kale SNM=NSS in la kala garanwaayana waxa halkaa dhigay waa dadkii ehelka u ahaa ee xogogaalka ahaa. Sooyaalka Somaliland baa u baahan in wax laga qoro, in si aqooni hagayso loo qoro, in aan dadka lagu kala kaxayn qalinka, ee sidii wax u dhacayeen la is dultaago. In hab ballaadhan wax loo eego, oo dadka loo faa´iideeyo ayaa habboon.
Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M Yuusuf
Sweden