Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Haddii caqligu shaqeyn waayo caynkan baad noqon! by Axmed-Keyse Cali Rooble


(Hadhwanaagnews) Friday, October 19, 2012
Beri waxa jiray gabadh ka mid ahayd dadka dawarsada (tuugsada). Gabadhu waxay wadan jirtay wiil yar oo ay dhashay. Waxa inta badan dhici

Beri waxa jiray gabadh ka mid ahayd dadka dawarsada (tuugsada). Gabadhu waxay wadan jirtay wiil yar oo ay dhashay. Waxa inta badan dhici jiray in dadku waydiiyaan qoladeeda. Waxay odhan jirtay, naftaydu waa sidaa iyo sidaa, waxaanan u dhaxay sidaa iyo sidaa!


Muddo kadib ayey gabadhii geeriyootay, waxa shaqadii dawarsiga halkii kasii waday wiilkii ay dhashay.




size=4>Sidii caadadda ahayd waxa wiilkii la waydiiyaa qoladda uu yahay. Waxa yaab noqotay in wiilku uu yidhaahdo: naftaydu waa sidaa iyo sidaa, waxaanan u dhaxay sidaa iyo sidaa!


Dhan haddii laga eego layaab ma leh, waayo, waa wixii uu hooyadii ka bartay. Lana odhan karo sidan ayuun buu u qaatay in ay tahay jawaabta saxda ahi. Waxaase la yaab noqon kara in aanu caqliga ka shaqeysiin! Waayo, isagu maaha qof dumar ah oo dhaxdin ma geli karo!


Sidan waxa la mid noqon kara qof kasta oo iska qaata war, aragti iyo fikir uu maqlo isaga oo aan iska shaandhayn, eegina saxnimada iyo suuragalnimadiisa!

 

 

Axmed-Keyse Cali Rooble

Waa qoraa, hal-abuure, cilmi-baadhe iyo aragti-yahan.

Stockholm, Sweden

ahmed.roble@gmail.com

 

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.