baa is dhagaysata, balse waxa manta xusid mudan in dalka oo dhani uu isku xidhmay?.
Sidoo kale, Ismaaciil Cabdilaahi Xuseen Dabshid oo ka mid ah dadka reer Boorama ee dareenkooda cabiray ayaa yidhi ? Waa hormar wayn waana wax fiican idaacadu bulshada saamayn wayn ayay ku leedahay, ha noqoto dhinaca isla socodka xukuumada iyo dadka, dhinaca wacyigalinta iyo dhinaca isbarashada iyo kobcinta aqoonta intaba?.
Si kastaba ha ahaatee, Dadka reer Boorama waxa aan meesha ka madhnayn oo ay sheegeen inay jeclaan lahaayeen in Idaacada Magaca RADIO HARGAYSA laga badalo oo loo bixiyo magac ka balaadhan intan oo qaranimada oo dhan koobsanaya.
Wariye
Cabdifataax Axmed
Xafiiska Shabakada HWN
Boorama