gudoomiyaha barlamaanka Prof Maxamed Sh Cismaan (Jawaari).
Dhammaan masuuliyiinta halkaasi ka hadashay ayaa duco iyo dardaaran iskugu daray madaxda cusub oo ah kuwa wajiyadooda ku cusub umadda Soomaaliyeed iyaga oo ugu baaqay in ay ugu fadhiyaan waxqabad la taaban karo.
Hassan Abdi Bidaar oo ah gudoomiyaha Somaliska Socialdemokraterna f?rening i Lindesberg (SSFL) ahna xubnaha sare ee Jaaliyadda Lafkcenter ayaa ku daah furay qudbad ay aad ugu riyaaqeen dhammaan ka soo qeyb galayaasha isagoo ku booriyay madaxda cusub ee dalka in loogu fadhiyo in ay ka samatabixiyaan dhibaatada dalka ka jirta Eebana ugu baryay uu kula garab galo wuxuuna u mahadceliyay dhammaan ururadii gacanta ka geystay qabsoomida xafladdan.
Waxaa sidoo kale munaasabadan ka hadlay gudoomiyaha Jaaliyada afrika ee degmada Lindesberg Ciise Siidow Cabdi iyo Mustaf Cali Siyaad oo ka tirsan NBV ahna gudoomiyaha ururka SSR, labadaani masuul ayaa ka sinnaa sida ay muhiim u tahay in la garab istaago dowladda cusub ee federaalka Soomaaliya, waxayna ugu baaqeen madaxda cusub ee dalka in ay noqdaan hogaan umadda u horseeda nabad iyo barwaaqo.
Hooyo Madiina Xuseen Cosoble oo ka mid ah hooyooyinka magaalada Lindesberg ayaa sidoo kale halkaasi ka jeedisay qudbad aad u qiiro gelisay dhammaan ka qeybgalayaashii xafladda, iyadoo ugu baaqday in ay umadda Soomaaliyeed ka gudubto qabiilka ayna u istaagaan in ay noqdaan qaran.
Waxaan halkaan lagu soo koobi karin qeybaha kala duwan ee bulshada ee ka hadashay munaabadan ducada iyo dardaaranka iskugu jirtay, ee lagu taageerayay isbadalada ka dhacay Soomaaliya iyo neecawda nabadeed ee laga dareemayo dalka.
Dhammaan ka soo qeybgalayaashii xafladda ayaa si weyn ugu mahadceliyay ururadii isku howlay in ay qabsoonto munaasadan iyaga oo ugu baaqay in ay sii laba jibaaraan howsha culus ay bulshada u hayaan.
Qabsoomida munaasibadan ayaa amaanteeda leh ururka SSFL, Lindesberg Afrika kulturcenter iyo ururka SSR .
Mahadcelin qabanqaabiyahaasha
Ciise Siidow Cabdi
Hassan Abdi Bidar
Yusuf Amin Bin Bishir
Mustaf Cali SIyad
C/llaahi Axmed Caadle
Xaawa Cilmi Yaabe
Khadar Faarax Yaroow (Halgan Yare)
Iyo dhammaan intiii gacanta ka geysatay oo aanan xusin magacyadooda sida haweenka Lindesberg qeybaha kala duwan ee dhalinyarada oo aanan la?aantooda qabsoonteen xafladdan.
Wabillaahi Towfiiq.
W/D: Yusuf Amin Bin Bishir