Hargeysa(HWN):-wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maanta kulan albaabadu u xidhan yihiin la qaatay guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta golaha guurtida Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa markii uu kulankaasi dhamaaday waxa warbixin kooban warbaahinta siiyey wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Axmed Cabdi Xaabsade.
Wasiirka hawlaha guud iyo guryeyntu waxa uu sheegay inay guddida joogtada ah ee golaha guurtida
ka wada hadleen xeerka wada marida oo golahaas hor yaala.
Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay inay wali socdaan digreetooyinkii ay ka soo saareen inaan baabuurta dawlada socon Karin wixii ka danbeeya shanta galabnimo, isaga oo dhinaca kalana xusay in wasaaradaha dawlada ee kirada ku jiraa ay ku sii jiri doonaan ilaa inta ay ka helayaan guryo ay leeyihiin
Wasiirka hawlaha guud iyo guryeyntu waxa kale oo uu sheegay inay wali wadaan sharcigii ogolanaayey in la bedelo isteerinka baabuurta isla markaana ay hawshaasi meel fiican u marayso.
Wasiirka hawlaha guud iyo guryeyntu waxa kale oo uu si kooban uga hadlay iskaraab uu sheegay inay iibisay wasaaradaha ganacsiga iyo warshaduhu oo uu tilmaamay inaan wasaaradiisu waxba ka ogoyn balse ay qaateen dadkii laga iibiyey.
Cabdirisaaq Good Nuur
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Goud423@gmail.com