Gabadh dhallinyaro ah oo muddo miyir la?ayd, kadib markii ay shil baabuur waxyeelo ka soo gaadhay, isla markaana dhakhaatiirtu ku dhawaaqeen in maskaxdeedu dhimatay ayaa si kedis ah uga baxday koomadii, waqti koox dhakhaatiir ah diyaarinaysay inay fadhataystaan xubnaha jidhkeeda.
Carina Melchior ayaa dhakhaatiirtu damacsanaayeen inay kalyaheeda dad kale u geliyaan, balse shaqaale ka hawlgala cusbitaalka Aarhus oo ku yaala dalka Denmark ayaa sheegay in gabadhan yar ee 19 jirka ah si dhakhso ah indhaheeda u kala furtay, bilawdayna inay dhaqaajiso lugaheeda.
´Arial Narrow´,´sans-serif´; FONT-SIZE: 14pt">
Dhakhaatiirtii damacsanayd inay xubnaha jidhkeeda mid mid ula baxaan ayaa aad u fajacay, kuwaasoo joojiyey hawlgalkay damacsanaayeen inay gabadhan yar xubnaheeda ugu deeqaan dad kale oo buka.
Carina ayaa waqtigan lugaheeda ku socota, isla markaana xaaladeeda caafimaad fiican tahay.
Qoyska gabadhan yar ka dhalatay ayaa dacwad ku oogay cusbitaalkaas, iyagoo dhakhaatiirta ku eedeeyey inay diyaarinaayeen siday u fadhataysan lahaayeen xubnaha jidhka ee gabadhooda yar.
?Dhakhaatiirtan aadka u arxanka daran waxay damacsanaayeen inay fadhtaystaan xubnaha gabadhan yar, iyagoo hawlgalkoodii ka dhicisoobay markii Carina si cajiib ah oo mucjiso ah uga soo kabatay dhibtii muddada la soo daristay, ? ayuu yidhi Kim oo ah aabbaha gabadhan yar oo u waramaayey wargeyska Ekstra Bladet oo ka soo baxa dalka Denmark.
Qareenka qoyskan Mr. Nils Fjeldberg, ayaa sheegay in dhakhaatiirtan la weydiin doono inay damacsanaayeen siday u dili lahaayeen Carina, waxaannu yidhi; ?Tani waa arrin aad u naxdin badan, labadeeda waalidna waxay aamineen inaan waxba inantooda loo qaban karin, iyagoo dhakhaatiirtan ku waafaqay inay jidhkeeda deeq ahaan u bixiyaan, maadaama ay ku wargeliyeen inaanay daawo lahayn.?
Dhakhaatiirta kiiskan lagu eedeeyey ayaa raalligelin ka bixiyey kiiskan ka dhacay cusbitaalkooda, iyagoo qirtay inay khalad ku kaceen.
Ibrahim Khadar Siciid
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland