Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Haweenayda Australia Raysal-Wasaaraha ka ah oo Dhawr Jeer ku Dul-kuftay Xabaashada Mohatama Gandi


(Hadhwanaagnews) Sunday, October 21, 2012
Waan fiicanahay, ragga xidhan kabaha degen ayaa maalin kasta kufa, haddii aad xidhan tahay kabo aad u cidhib dheer cawska noocan ah ee aadka u khafiifka ah wuu ku dhibaya,

Haweenayda Raysal-wasaaraha ka ah dalka Australia ee la yidhaa Gillard ayaa dhawr jeer oo isku xigga ku kuftay, isla markaana si xun ugu dul dhacday xabaashada Mohatama Gandhi, waqti ay si gaar ah booqasho ugu tagtay halka uu hoggaamiyahan dalka Hindiya iyo adduunka taariikhda ku leh ku aasan yahay.

Gillard oo xidhnayd gabo aad u dhaadheer ayaa u dhacday xagga beerka, iyadoo dhawr jeer oo isku xigga kuftay, kuwaasoo dadkii ku ag xeernaa aad uga naxeen, ciidammada iyo saraakiisha Hindiyana

mar kaliya ku soo wada boodeen si ay u hubiyaan xaaladeeda.

Haweenaydan hoggaamiyaha ka ah dalka Australia ayaa hore sidan oo kale ugu kuftay waqti dad cadhaysan oo mudaharaadsan bishii Janaury ee sanadkan weerar ku soo qaadeen iyadoo ku sugan magaalada Canberra, sidoo kalena waxay kabaheedan aadka u dhaadheer la rogmadeen iyadoo booqasho ku joogta magaalo madaxda Australia ee Sydney, gaar ahaan meel fagaare ah oo ay dad uga khudbadaynaysay.

Gabadhan waxay dalka Hindiya ku kuftay waqti ay soo dhammaanaysay booqashadeedii saddexda maalmood ahayd ee ay ku joogtay dalka Hindiya, taasoo ku soo gebagebaysay xabaasha Gandi ee ku taala magaalada New Delhi.

?Waan fiicanahay, ragga xidhan kabaha degen ayaa maalin kasta kufa, haddii aad xidhan tahay kabo aad u cidhib dheer cawska noocan ah ee aadka u khafiifka ah wuu ku dhibaya, waxaanad arkaysa adigoo dhulka yaala mararka qaar,? ayey tidhi Gillard oo ay ku dul xoonsan yihiin qaar ka mid ah golaheeda wasiirrada iyo madaxda Hindiya, aadna way u qoslaysay, waxaana muqaal fidyaw ah lagu baahiyey mareegta Daily Mail.

Ibrahim Khadar Siciid
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.