Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare???..Warbixin


(Hadhwanaagnews) Sunday, October 21, 2012
Hadaba iyada laga duulayo oo la hergelinayo Barnaamijyaddaa Wax qabad , ayaa Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare oo ay Hogaaminayso Marwo Zamzam Cabdi Aadan

Markii  uu Xisbigga Kulmiye uu la wareegay Talladdii Jamhuuriyadda Soomaalilaand , waxa  Madaxweyne Axmad Maxamuud Siilaanyo  Ku dhawaaqay in Waxbarashadda dugsiyadda  H/Dhexe laga dhiggo Bilaash( Bilaa lacag), taas oo aad iyo aad wax weyn ka bedeshay  korodhkii Ardayda(Enrollement Rate).

Waxa kale oo arrintaasi ay  sii tabantaabisay oo sii hergelisay Barnaamijkii Waxbarashadda loo dhan yahay(EFA), Iyo Heshiiskii lagu gaadhay Dalka Ghana ee MDG(Millennium Development Goals) kaas
yes">  oo lagu heshiiyey in Sanadka soo socda ee 2015ka, qof kasta oo Duniddan ku nooli Waxna Qori karo Waxna akhriyi  karo.

Hadaba  iyada laga duulayo oo la hergelinayo Barnaamijyaddaa  Wax qabad , ayaa Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare oo ay Hogaaminayso Marwo Zamzam Cabdi Aadan  iyada oo kaashanaysa Ha?adaha  aan Dawliga ahayn ee xidhiidhka dhow l;a leh wasaaradda sida UNta, INGOs, LNGOs ka ayaa ay ku talaabsatay in laga hegeliyo dhammaan goboladda dalka Jasmhuuriyadda Soomaalilaand.

Waxbarashadda loo dhan yahay waa maxay Ujeedadeedu?

1.     Waa  in aan qof ama ilmo  xaq u leh in uu wax barto aan loo diidi Karin

2.     In  aan laga takloori Karin  qof ama qolo

3.     In wiil iyo gabadhba loo dhan yahay

4.     In dhammaan  wixii looga baahnaa waxbarashaddaasi  ay dhan tahay

5.     In loo siman yahay Adeegaasi  iwm

Si kastaba ha ahaatee,halkan waxaan ku soo qaadaynaa Hawlaha Waxqabad ee ay wasaaradda waxbarashadda iyo Tacliinta Sare iyada ay kaashanaysa Hay?adda ADRA ee gargaarka ka hesha E.Uda  oo kala hawl gasha Goboladda Barriga, ee Sool  iyo Sanaag Intii  laga hegeliyey Goboladdaasi  iyada wada shaqeynta Hay?adda iyo Wasaaradda WAxbarashadda iyo Tacliinta Sare uu ka masuul  yahay

Gudoomiyaha Waxbarashadda  ee Gobolka(REOga), kaas oo had iyo jeer warbixinta u soo gudbiya Xarunta dhexe ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare

            Waxqabadkii koobnaa  Waxa ka mid ah:

1       6 Fasal oo Cusub oo la dhisay

2       52 fasal oo la habeeyey

3       9 musqulood oo la sameeyey

4       7 Xafiis  oo la habeeyey iyo mid cusub oo la dhisay

5       5 Taangi biyood  oo la dhisay

6       Sheekooyin yar yar oo loogu tala gallay carruurtu in ay akhristaan oo la sameeyey oo ay qoreen qorayaasha wasaaraddu oo ku kooban  grade 1- grade 4

Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.