Hargaysa(HWN):-Wasiir ku xiggeenka Wasaarada Caafimaadka Ee Somaliland Marwo Nimco Xuseeen Qawdhan Ayaa Maanta Ka Qayb-gashay Kulan Lagu Abaal Marinayey Shaqaalihii ugu Shaqada Wacnaa ee cisbitaalka Guud Ee Magaalada Hargaysa.
Sida ay ku waramayso Wakaalada wararka Ee Solna kulankan oo ka dhacay cisbitaalka guud ee magaalada hargaysa waxa kale oo kulankaasi ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Guddida Caafimaadka isla markaasna ah Guddoomiyaha Haayada Maamul Wanaaga iyo La Dagaalanka Musuq-maasuqa Axmed Muxumed Madar , Ku simaha Agaasimaha Cisbitaalka
Magaalada Haragaysa , shaqaalaha cisbitaalka iyo Marti Sharaf kale.
Ugu horeyn waxa kulankaasi ka hadlay ku simaha agaasimaha cisbitaalka guud ee magaalada hargaysa Dr C/laahi Faarax Xasan isagoo kulankan ku tilmaamay In uu yahay mid lagu dhiiri-galinayo shaqaalaha ka hawlgala cisbitaalka guud ee magaalada hargaysa kuwooda sida wanaagsan uga shaqeeya dadka adeega caafimaad u soo doonta cisbitaalka guud ee magaalada hargaysa .
Marwo Faadumo Cabdi Kaahin Agaasimihii hore ee cisbitaalka Guud ee Magaalada Haragaysa oo faahfaahin dheeraada ka bixisay kulankan ayaa waxa ay sheegtay in uu yahay mid lagu ogaanayo sida ay hawlahooda shaqo u gutaan shaqaalaha cisbitaalka ka hawlgala isla markaana bulshada loo bandhigayo qaabka uu u socda adeega caafimaad ee uu cisbitaalku u hayo bulshada si ka dib loo abaal mariyo cida wax wanaagsan qabatay.
Guddoomiyaha Guddida Caafimaadka Ee Gobolka Mudane Axmed Muxumed Madar ayaa geestiisa kulankan ku sifeeyey in uu yahay mid looga go,leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa qaabka uu cisbitaalku u shaqeeyo iyadoo laga bilaabayo kala danbaynta shaqada iyo in qof kastaaba fahmo in cida uu u shaqaynayaa ay tahay bulshadiisa jilicsan .
Gabagabadii waxa kulankaasi soo xidhay isla markaana ka hadashay wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan waxaana ay xustay in marka qofka wax qabta loo mahadnaqo ay taa macnaheedu tahay in la rabo in la wanaajiyo shaqada iyadoo carabaabtay in xukumada Somaliland ay ka go,an tahay in cisbitaalka guud ee magaalada haragaysa ay u dhamaystirto adeegyada uu u baahan yahay si bulshada Somaliland uga Maar-maan adeegyada caafimaad ee ay u doontaan wadamada jaarka .
Ugu danbayntii wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadku waxa ay shahaado sharafyo guddoonsiisay qaar ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya waadhadhka cisbitaalku ka kooban yahay kuwoodii shaqo wanaaga muujiyey
Hadhwanaagnews/Office
Hargaysa/Somaliland
C/casiis Caydiid Cilmi(Yemeni)
abdiaziiz@hadhwanaag.org