Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Wali Tanoo Kale Ma Kugu Dhacday? Qalinkii : Abdifatah Sh.Nouh Jaamac (Suldaanka )


(Hadhwanaagnews) Sunday, October 21, 2012
Waxuu ku dhaafay meel meherada, waligii muu arag bashar ka qurxoonaa, waxay ahayd gaabadh jalaqsan oo shacnigii caruurnimo wajigeeda ka muuqdo

Waxuu ku dhaafay meel meherada, waligii muu arag bashar ka qurxoonaa, waxay ahayd gaabadh jalaqsan oo shacnigii caruurnimo wajigeeda ka muuqdo, waxay lahayd sandheer oo aad moodaysay in la dul dhigay, timo madaw oo aad u dhaadheeraa oo dhuxusha ka madoobaa, indho waawayn oo jaleecada ay ku soo eegaan naxariis kugu beeraya oo ka soo xasuusinaya caanaha aad naaska hooyadaa ka jaqday, indhaha lab ee arkaa aanu jaleecadooda hal daqiiqad ka jeedsanayn,mararka qaarkood sida korontaada ayay wadnahaaga u dhufanaysay, ma dheera mana gaabna,waxay ahayd daqiiqad kaliya markii uu indhaha qac ku siiyay, nasiibku se


uma saamixin inuu qadar daqiiqadaa indhihiisu ku sii hakadan, wuxuu si kadisa u tagay qolkii uu ka daganaa guri cidlaa oo ay kula noolaa hooyadii iyo aabihii oo ku yaalay magaalada koonaheeda oo ah xaafada la yidhaa ( QANDAHAAR), isla daqiiqadii uu qolkiisa galay ayuu miyir beelay, la isku carar isagoo sakaraada ayaana la keenay mid ka mid ah dhakhtarada ugu caansan magaalada hargaisa waaa BUKAAN GARGAAR, wuxuu koomo ku jiray mudo 1 saac ah, si kastoo loo baadhayna waa laga waayay wax xanuuna, waalidkii dhalay way rumaysan laayihiin waxaanay ku doodayeen inaanu wadanka wax dhakhtari joojin, iyadoo loo abaabulayo in loo qaado wadamada jaarka ah ayuu ilaahay amarkiisa la dareemay isagoo lugihiisa ku istaagaya, xaaladiisa caafimadna ka soo raynayso, ma hadlayo,wuu taahayaa, hadaad qadar daqiiqadaa dul istaagto waxaabad is odhanaysaa malaha malagii nafta ka qaadayay ayaa ku soo dhow, wuxuu noqday qalfoof dharkii xidhan,dadka qaar ayaaba ka fikirayay inuu hayo xanuun uu la il daranyahay,se arintu sidaa may ahayn, mar kaliya ayaa lagu war helay dhawaaqa hadalkiisa, farxad , raynrayn iyo badhaadhe ayaa la isla oogsaday, wuxuu codsaday in si dagdaga loo qaado, balse dhakhaatiirtii ayaa ka diiday, wuxuu u sheegay in hadii la qaadi waayo ay naftiisku halis gali doonto, dood dheer iyo codsiyo iska soo daba dhacayay waxaa la isla gartay in loo qaado halka uu codsanayo ? bal adba- waa la kaxeeyay waxaa si kadisa loo saaray gaadhi noociisu yahay indho cade- waxaanu u tilmaamay inuu geeyo meherad lagu iibiyo dharka , waxaa qofkasta maskaxdiisu sida mawjada badda oo kale ugu soo dhacaya, qofkii sakaradka ahaa muxuu ka doonayaa meel dhar lagu iibiyo, hooyadii ayaa dhawaaq murugo laga dhadhansanayo wiilkii dirawalka ahaa ku tidhi hooyo malaha inanku ma hagaagsana, sawkan meherad dhar ina galiyay, isla daqiiqadii uu meherada galay ayaa waxay indhiisii uu qac ku siiyay, gabadha quruxda uu ilaahay ku manaystay ee gidaarka koonaheeda soo taagan, waaba isla gabadhii uu darteed sariirta u yaalay,waa qalanjadii oo qaayihi uu ilaahay siiyay la qotonta oo aad moodo inay sii qurux badnaatay ayaamihii uu sariir yaalka ahaa,waxaabay ku soo eegaysaa indho cad oo waawayn oo aan hal daqiiqad libiqsanayn,isagoo yaaban oo fajac iyo murugo la dhakafaarsan ayuu mar kaliya dhidid waawayni ka hooray, waxaana lagu war helay ninkiii sakaraadka ahaa oo labadiisa cagood ku taagan,isla daqiiqado yar gudahadood intuu qosol gariirka ka sanqadh dheer ku dhuftay, ayuu gacanta ku fiiqay- yaab badanaa, dunida wax kasta waa lagu arki- gabadhii uu jeclaaday waxay ahayd sawir gabadh taalay meherad ka mid ah meherada dharka lagu gado oo loogu labisay sida ugu quruxda badan ee gabadh soomaaliyed u labisato- isagoo qosolka iyo farxad la damaashaadaya ayuu mar kaliya ku dhawaaqay- waa taa gabadhii aan darteed sariir yaalka u ahaa- wax qoslaya mooyee wax kale dadkii waa laga waayay.

 

Qalinkii : Abdifatah Sh.Nouh Jaamac (Suldaanka )

E-mail:Samriye99@hotmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.