Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


SHIRKADAHA SAHAMINTA IYO XAALUFINTA KHEYRAADKA .. BY PROF. MOHAMED AHMED FARAH (JAAFAA)


(Hadhwanaagnews) Sunday, October 21, 2012
Somaliland waxay saldhig u noqotay Shirkaddo dambiilayaal ah oo ku takhasuusay xaalufinta

Somaliland waxay saldhig u noqotay Shirkaddo dambiilayaal ah oo ku takhasuusay xaalufinta Kheyraadka dabiiciga ah Sumeynta badaha iyo guud ahaan deegaanka oo ay masuul ka yihiin calooshood u shaqeystayaal dambiilayaal ah oo ka kala yimi dunidda daafaheeda.
 
Sida ay qoreen Shabakaddo ay gaar u leeyihiin Shirkadahaasi ayaa waxay muujinayaan in shirkadduhu heshiis la galeen Xukuumaddaha Somaliland iyo Puntland ayna sahamin ku sameynayaan qeybo ka mid ah dhul badeedka, iyagoo shidaal baadhis heshiis kula galay iyo soo saarista Macdanaha Gemstones, Emerald, Ruby, Saphire, Copper, Tin, Coal iyo Heavy mineral Sands oo macdanta danbe laga helo halka ay badda iyo berrigu iska galaan, dhamaantoodna dalkeenu ilaahay ku manaystay.
 
Sidoo kale Shirkadahan iyo Cilmi

baadhisyo ay kaga hadleen heshiisyada ay galeen oo ku macneeyeen iney aad ugu faraxsan yihiin, xidhiidhkooduna aanu iminka bilaabmin ee 10 kii sanno ee u danbeeyey socday.
 
Waxana daliil cad ah in la boobayo amaba la baneysanayo in kheyraadka shacabka ay xaqa u leeyihiin duulaan lagu yahay, cidina ka war qabin dhibaatadan soo food saartay Kheyraadkeenii dihinaa aynuna weligeen ku faani jirney uu noqdo xaaluf.
 
 Prof.Mohamed Ahmed Farah Mattan (Jaafaa)

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.