Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Ardeyga Sannadka! W/Q-Ceelaabe


(Hadhwanaagnews) Sunday, October 21, 2012
Ardeyga Sannadku Ma ardeyga 2012 Jaamacada ka baxey ee Qalin Jebinta lagu Maamuseybaa,Ma Ardeyga wadanka

Ardeyga Sannadku Ma ardeyga 2012 Jaamacada ka baxey ee Qalin Jebinta lagu Maamuseybaa,Ma Ardeyga wadanka aan ka bixin ee aan tahriibin kana Dhex Shaqeystaa.Ardeyga sannadku ma Ardeyga sannadkan Jaamacada galaaya ee Mustaqbalkiisa waxbarasho ku hagaajin doonaa intii uu Dhayal kaga lumi lahaa,Ma ardeyda Sannadkan Jaamacadaha inoo Camiri doono Ayaa noqonaya Ardeydii sannadkan.Ma Ardeyda Sannadkii ugu Danbeeyey Jaamacada Dedaal ku soo gaadhey ee Qalinjebinta danbe sugaaya Ayaa loogu Yeedhi karaa Ardeyda Sannadka.Ma ardeygii ugu Dhibcaha sareeyey Imtixaanadii kama Danbeysta ahaa iyo Guud ahaan Darajooyinkii la helay Ayaa loogu Yeedhi karaa Ardeygii sannadka.Ma Ardeyga Soo Fahmey Wixii Jaamcada lagu soo Barey Ayaa ah Ardeygii Sannadka,Mise Qof

kasta oo Jaamacada iska Dhex Joogey Maalintii Qalinjebintana Dharka iyo Koofiyada loo soo Xidhey.Ardeyga Sannadku Ma ka Sharciga iyo Shahaadada Saxda ah wax ku Raadsadaa Mise waa mid Kasta oo soo Sameysta Warqado aan la aqoonsaneyn.

 

waxa jaamacada hargeisa ka baxey 637 Jaamacada Camuud 542 Jaamacada Golis 305,Jaamacada Alpha University College 428,Jaamacada Admas university college 513, IHU 30, Hope..................... adna Aden university?139?????..burco 90, eelo................ fairland???????. 50,(Hope iyo Eelo dib ayaa laga ogaan doonaa) Tiradaasi oo dhani waa wada Aqoon yahan,laakiin hadana aan qaar badan oo ka mid ah lagu tilmaami karin Aqoonyahan leh sifooyinkii dhabta ahaa ama saxda ahaa.Tiradaasi oo dhani ma bilaa shaqo ayey yihiin mise 70% dadkaasi wey shaqeeyaan.Immisa wadanka sii Joogi doonta,Immisa ka tegi doonta oo wadamado kale u haajiri doonta.Dhinaca kale Dugsiyada sare waxa Dhameystey 5842, immisa Ayaa sannadkan Jaamacadaha ku biiri doona.Ma tayeynta Ardeyda iyo Waxbarashada ayeynu ka Hadalnaa,Mise Shaqo Abuurid ayeynu ka hadalnaa.Markasta oo Tayada la dayaco,Waxa la Dayacey Tayadii Shaqada iyo Horumarka.Jaamacaduhu ma waxa ay iskugu Faanaan Tirada ardeyga ku Jirta Mise Tayada ardeyda Dhigata Quantity/Quality.

 

Tartanka tayeynta iyo isbedelada waxabrasho ee wadanka National Planning laga leeyahay Ayaa ah Mid sannado badan hada la sii Qorsheeyey,laakiin Fulinta iyo ku Shaqeynta arimahaasi ayaa ah mida Su,aashu ka taagan tahay.Inkasta oo Somaliland Wakhtigan Waxbarasho heer walba lihi ay ka socoto,Haddana waxbarasho aan la mid aheyn ama la tartami karin kuwa wadamada Jaarka ama heer caalami ayey inoola Muuqataa.Aqoonsi la,aan inaga heysata xaga shahaadooyinka oo ardeygeenu aanu meelo badan ku geli karin dibadaha Ayaa Jirta,Inkasta oo Jaamacado laga soo Xidhey Dibaduhu ay waxooga Niyad Dhis ah Geliyeen Ardeyda Shahaado caalami ah ku hamiyeysa.Habka wax Dhigista ama Ardeydu wakhtigani wax ku barato ayaa ah mid xaga Niyada iyo Dedaalkaba ka hooseeya marka la hordhigo kuwii hore.

 

dadka ugu badan sida Madaxda iyo ururada Ngos Wadanka Jooga intooda badani waxa ay ku Mashquulsan yihiin Arimo waxbarasho iyo sidii loo hirgelin lahaa Dhismaha dugsiyo wax lagu barto.Waxa Socda Qorshe la rabo in Meel kasta waxbarasho laga helo Heerarka kala duwan ah,Waxa socda Qorshe la xidhiidha in Qof kastaa helo Dugsi iyo waxbarasho sida Mida tooska ah ama dadban.Keliya maaha Dugsiyada laga hadlaa kuwa Dadka Laxaadkooda qaba,hase ahaate waxa sidoo kale Jira kuwa Naafada,Dhagoolayaasha iyo indhoolaha intaba.

 

Dadkii wadanka wax ku bartay iyo kuwii dibadaha ka yimi Ayaa tartan iskula Jira,Kuwii dibadaha kala duwan wax ka soo bartey  ayaa iyaguna tartan iskula sii Jira.Wejiyada qalin Jebiyey gudo iy Dibadba inta badan waxa ay iskugu Yimadaan shaqo Lecturer Macalinimo Jaamacadaha kala duwan ee Magaalada oo ah goob kulmisa Dhalinyartaasi iyo rag waa  weyn intaba.Tayada ardeyga iyo habka wax dhigista Ayaa la dhaliilaa ama Heerka ay taagan tahay aan lagu Qanacsaneyn.Nidaam Ardeygii uu qeyb ka yahay maamulkii ama uu go,aanada la qaadanaayo saameyn ku leeyahay Ayaa wax lagu dhigtaa wakhtigan.

 

dhaliilo la xidhiidha xaga Tirada badan,Xaga sharciyada qaadashada ardeyda oo aan la tixgelin go,aan adagna aanu ka oolin Xaga shuruucda waxbarashada oo aan laheyn Qanuuno rasmi ah oo xaga kala saarida ardeyda ku wajahan Ayaa Meelkasta ka buuxa.Waxbarasho Ganacsi iyo Dhaqaale lagu raadinaayo Ayaa loo arka waxbarashad Somaliland.Haldoorkii iyo Tujaartii ayaa Mid kastaa rabaa in Dugsi weyn Dhisto,Lacagtana halkaasi ku uruursado.Manaahijta wax laga Dhigto,Habka imtixaanada loo galo ama loo saxo,loogu Dhawaaqo Ayaa weli Fartu ku godan tahay.Aqoonta iyo Khibrada Macalimiin badan oo wax dhigeysa Ayaa ah mid liita oo aan la jaan qaadi karin una Bislaan wax barida Dadweynaha.ka wax dhigayaa Ma dhaamo ka loo Dhigaayo.qaar badan Shaqo la,aan iyo bilaa camal ayaa u geysey Macalinimo aanu waxba ka garaneynin.nin aan xitaa garaneynin sida loo hadlo ayaa odhanaaya waxbaan dhigayaa Maxaa Yeelay dalabka Macalinimada oo ah mid socda

 

Dhinaca kale haddii aynu ka eego,Dad badan Ayaa 10 kii sannadood ee ugu danbeeyey wadanka ka helay waxbarasho ka dhineyd ama ay naawilaayeen sida Mida Jaamacada oo kale.Ciroole iyo Ciyaalba waxa loo tartamay Degree Jaamacadeed aan la garaneyn waxa loo qaatey ama lagu soo qaatey.Habka wax dhigista Dhaqanka u ah dadkeena iyo mid lala jaanqaadayo aduunyada horumartey Ayaa si isku mid ah uga tisqaadey sidoo kale Wadanka.Waa koriin,Horumar,Iyo horusocod la xidhiidha xaga Maskaxda iyo Wanaajinta Dabeecada iyo Dhaqanka Barashadu.

 

Haddii waxbarasho Bilaash ahi ay Jirto,Haddii subax iyo Habeenba lagu foogan yahay Waxbarida iyo Barashada Aqoonta maadiga ah iyo ta diiniga ah,Haddii 80% dadkii ay waxbarasho u dhaqaaqeen,Hadana isla 80% ayaa aaminsan in Tayadii waxbarashadu ay sal guurtey oo aan la garan Karin Ujeedada ardeyga wax loo baraayo Xitaa.Furitaanka Xafladaha dugsiyada iyo Jaamacadaha,Shahaado bixinta Ardeyda iwm Ayey Madaxdii dhex wareegeysaa.Dugsiyadii Dawladuna Tayadii lagu Yaqaaney ma laha waxaana suuqa ka qabsadey kuwa gaarka ah.Tahriibkuna mararka qaar waa go,aan qof gaadhey oo kuwii ugu lacagta badnaa ama shaqooyinka Heystey ayaa iskaga tagey.Ardeyga shaqo 800$ Hargeisa ku dhex Heystaa Miyaanu aheyn Ardeygii Sannadka mar hadduu Jaamacadiina Dhameeyey shaqana ku Guuleystey.40 mnt and 40 students.

 

 

   abdifataah mahamed ahmed

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.